U bood dhigaalka

Taliyaha cusub ee booliska DFS oo xilka la wareegay

Sheeko:War
taliyaha-cusub-ee-Booliska
Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Maxamed Xasan.

Munaasabad uu xilka Kula wareegayay Taliyaha Cusub ee Ciidamada Booliska Dowldda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidamada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Munaasbadan waxaa ka soo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya Ibraahim Xuseen Yarow iyo saraakiil sar sare oo ka socda dowladda.

Wasiir ku xigeenka ayaa ku ammaanay taliyihii hore ee booliska Soomaaliyeed Cabdi Xakiin Saacid wax qabadkiisii intii uu hayay xilka.

Dhanka kale, Waxa uu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaantaliyaha cusub ee booliska dowladda federaalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Xasan.

Labada taliye ee xilka isku wareejiyay ayaan Midkoodna ka halin goobta, balse war qoraal oo uu soo saaray taliyaha cusub ee booliska Jeneraal Maxamed Xasan ayaa ku sheegay in booliska ay qaadi doonaan talaabooyin cusub oo lagu xaqiijinayo amniga.