U bood dhigaalka

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday joojinta dagaal beeleedyada

Sheeko:War
0113
Shiikh Bashiir Axmed Salaad

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ku dhiira galisay Maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaano ka tirsan Gobollada Dalka in wada hadal ay ku dhameeyaan khilaafaadka dhexmara.

Guddoomiyaha Hay’addaas Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in dagaaladan ay salka ku hayaan sida uu tilmaamay nidaamka Federaalka ee ay dhaqan gelineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

In meesha laga saaro arrimaha siyaada ayuu ku sheegay Sheekh Bashiir in lagu xalin karo gacan ka hadalka maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanada Koofurta Iyo Bartamaha Dalka.

Hadalka ka soo baxay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ku soo aaday xilli maalmihii u dambeeyay uu dagaal ku dhex maray labo maleeshiyo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.