U bood dhigaalka

Aqalka Cad ee Maraykanka oo Xaqiijiyay in Obama uu Tweter-ka ku Biiray

Cinwaanka Obama ayaa ah @POTUS oo laga soo gaabiyay madaxweynaha Maraykanka.

Dhowr saacadood kaddib waxaa Obama Twitter-ka kaga soo biiray dad kor u dhaafaya hal milyan oo ruux.

Xisaabta Obama ee rasmiga ah ee uu Twitter-ka ku leeyhay waxaa la socda 59.3 milyan oo ruux.

Markii uu furay boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka, Obama waxaa uu ku soo qorey: “Hello, Twitter! Waa Barack, lix sano kaddib hadda umbay ii oggolaadeen inaan furto bog gaar ii ah”.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in arrintan ay Obama u sahli doonto in si toos ah ay xiriir ula yeeshaan dadka Maraykanka.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan ay soo ifbaxeen arimo la xiriira in Clinton ay Emailkeeda gaar ah ka isticmaashay iyadoo u dirtay dad daaci ah, taasi oo fadeexad ku abuurtay dalka Mareykanka.

Clinton, Waxaa la filayaa in 2016-ka ay isasoo taagto Madaxweynenimada dalka Mareykanka.