U bood dhigaalka

Gaajada ka jirta Gaza oo Sababtay Dhimashada 466 Falastiiniyiin ah oo Carruur iyo Waayeello ay ku jiraan

Oktoobar 17, 2026

Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 466 Falastiiniyiin ah ay u dhinteen sababo la xiriira nafaqo-darro iyo gaajo tan iyo sannadkii 2024-kii, iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan 157 carruur ah iyo 189 qof oo waayeel ah.

Tiradan ayaa la shaaciyey xilli Gaza laga xusayay Maalinta Cuntada Adduunka, iyadoo xaaladda macaluushu ay weli walaac ku hayso dadka ku nool dhulka go’doonsan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dadka waayeelka ah ay ka yihiin 40.5 boqolkiiba guud ahaan dadka gaajada iyo nafaqo-darradu dishay, taasoo muujinaysa saameynta ba’an ee cunno-yaraantu ku yeelatay dadka ugu nugul bulshada.

Carruurta ayaa sidoo kale ka mid ah dadka sida weyn ay u saameysay xaaladda bani’aadannimo, iyadoo kumannaan qoys ay la tacaalayaan helitaanka cunto ku filan.

Warbixinta wasaaradda ayaa intaas ku dartay in in ka badan 1.4 milyan oo qof oo ku nool Gaza la filayo inay wajahaan xaalad cunto-yaraan oo heerkeedu yahay mid daran ama ka sii xun ilaa dhammaadka sannadka 2026-ka.

Tiradani waxay u dhigantaa qiyaastii 67 boqolkiiba dadka ku nool Marinka Gaza, taasoo muujinaysa baaxadda dhibaatada cunno-yaraanta ee halkaasi ka jirta.

Saameynta cunno-yaraanta ayaa si gaar ah saameysay carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, ayadoo wasaaradda Caafimaadku ay sheegtay in la diiwaangeliyey in ka badan 158,000 oo xaaladood oo nafaqo-darro ba’an ah oo carruurta da’daas ah soo wajahday intii u dhexeysay sannadkii 2024-kii iyo bishii Agoosto 2026-ka.

Qaar ka mid ah carruurtaas ayaa la sheegay inay qabaan nafaqo-darro halis gelinaysa noloshooda, halka hay’adaha caafimaadku ay ka digayaan dhibaatooyinka muddada dheer ee ay gaajadu ku yeelan karto koritaanka carruurta.

Dhibaatada nafaqo-darrada ayaa sidoo kale saameysay haweenka uurka leh, Sida ay sheegtay wasaaraddu, heerka dhiig-yaraanta haweenka uurka leh ay sannadkan gaaray 61 boqolkiiba, marka loo eego 41 boqolkiiba ka hor dagaalka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ku dhowaad 4,000 oo xaaladood oo uur-lumis ah la diiwaangeliyey lixdii bilood ee hore ee sannadka 2026-ka.

Xaaladda bani’aadannimo ee Gaza ayaa sii murugaysay tan iyo markii dagaalku billowday bishii Oktoobar 2023-kii, iyadoo burburka kaabeyaasha dhaqaalaha, waxyeellada soo gaartay adeegyada caafimaadka iyo beeraha, barakaca dadka iyo caqabadaha hortaagan gaarsiinta gargaarka ay sii adkeeyeen helitaanka cuntada iyo adeegyada aasaasiga ah.

Qaramada Midoobay ayaa bishii Agoosto 2025 xaqiijisay xaalad macaluul ah oo ka jirta qaybo ka mid ah Gaza, iyadoo hay’adaha gargaarka ay marar badan ku baaqeen in la fududeeyo lana joogteeyo gaarsiinta cuntada, daawooyinka iyo sahayda nafaqada.