U bood dhigaalka

Isku Shaandheynta Wasiiradda Gaas oo Xiisad Ka Dhexdhalisey Puntland iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Waxaa aad loo hadal hayaa isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiiradda ee xukuumadda Puntland ee Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo jirtey muddo hal sano ah.

Laakiin isku shaandheyntani la hadal hayo ayaa waxa ay xiisad colaadeed ka dhexdhalisey Puntland iyo Somaliland.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo ay Goobjoog News la hadashay, Somaliland iyo Puntland ayaa ciidamo badan soo dhoobey tuulada lagu magacaabo Tukaraq oo 55 kiilo mitir u jirta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool halkaasi oo ay Somaliland maamusho.

Xiriirka ka dhaxeeya isku shaandheynta iyo xiisadda dagaal ayaa ah in golaha wasiiradda ee Gaas lagu soo darayo wasiirkii hore guriyeynta iyo hawlaha guud ee Somaliland Maxamed Cabdi Xaabsade kaasi oo la sheego in uu isaga mas’uul ka ahaa qabsashadii Somaliland ee Laascaanood sanadkii 2007-dii, xiligaasi oo isaga u wareegey dhanka Somaliland.

Xaabsade ayaa saameyn ku dhex leh beeshiisa Laascaanood, iyada oo ay Somaliland arrintani u aragto halis weyn oo haddii Xaabsade wasiir ka noqdo Puntland ay markaasi sahlanaan doonto in ay la wareegto Laascaanood.

Laakiin sida ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Puntland, waxaa jira ismari waa u dhaxeeya madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdikariin Cameey oo ku saabsan xilka loo magacaabayo Xaabsade.

Cameey iyo Xaabsade waxa ay kasoo jeedaan hal beel , waxaana la maleynayaa in odayaasha dhaqanka qaarkood ay Cameey ku riixayaan in aanan Xaabsade lagu soo darin golaha maadaamaa ay ku eedeynayaan in uu isaga Somaliland u gacangaliyey Laascaanood.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imanaya tuulada Tukarak ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi cabsi badan ka jirto kadib markii ciidamo aad u badan labada dhinac ay halkaasi soo dhoobeen.

Goobjoog News