U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “ Khilaafka Nagala Dhaxeeya Dowladda Federaalka Saameyn Kuma Yeelan Doono Hiigsiga 2016”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in khilaafka maamulkooda kala dhaxeeyo dowladda federaalka aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin hiigsiga 2016.

Axmed Madoobe oo faah faahin ka bixinayay kulan uu shalay magaalada Kismayo kula qaatay ergayga gaarka ah ee Qarmada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayuu sheegay in ka maamul ahaan ay u balan qaadeen in aanu waxyeelo soo gaarin qorshaha hiigsiga 2016.

Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo walba oo ku aadan sidii Soomaaliya ay uga sii gudbi lahayd marxaladda xilligaan ay taagan tahay.

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Safarkiisa waxa uu ahaa mid shaqo, waxaa ugu muhiimsan waxa ay ahayd hiigsiga 2016, waxaan ka wada hadalnay sidoo kale waxyaabaha naga dhaxeeya dowladda Federaalka, hadii aan nahay Jubbaland waxaan u maleynaa in aan nalooga baran Fogaansho, laakiin inaan isla qaadanay wax walba wadadooda inay qaadato, 2016 sidii aan horay ugu heshiinay ayuu ahaa ee ah in Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd laga shaqeeyo, waana ka shaqeyneynaa, waana ku dadaaleynaa dhankeena, waxaan kaloo u sheegnay in wax yar ee nagalada dhaxeeya dowladda Federaalka aanu saameyn ku yeelan doonin Hiigsigaasi” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Khamiistii shalay ahayd ayaa magaalada Kismaayo waxaa safar ku tagay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya, waxaana madaxda Jubbaland kala hadlay arimo ku aadan khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka iyo sidoo kale arinta Hiigsiga 2016.

Goobjoog News