U bood dhigaalka

Booliiska Magaalada Baydhaba Oo La Gaarsiiyay Fariinta Qaad Joojinta Xilliga Shaqada

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo gaaray magaalada Baydhaba ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la dhiso ciidamada dowladda si buu yiri loo hormariyo amniga gobalka.

Taliyaha ayaa tilmaamay daryeel ay helaan ciidanka iyo askariga oo Qaatka joojiya in ay ka dhigan tahay iyadoo lagu guuleystay in la dhiso ciidan awood badan oo Soomaaliyeed.

“Tallabada ii xigta waxaa noqon doontaa gobalada kale ee dalka si aan usoo arko xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaa naga go’an inaan ka fikirno daryeelkooda iyo sidii loo hormarin lahaa, waxaan kaloo wadaa fariinta ah wareegto kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ah in la joojiyo xilliga shaqada Qaatka ay cunayaan ciidamada” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegay in magaalada Baydhabo ay ballaaratay sidaa darteedna loo baahan yahay saldhigyo tiro badan in laga hirgeliyo magaaladaasi, isaga oo amaanay saldhigga kaliya ee ammaanka magaaladaasi lagu sugo.

“Magaalada Baydhaba aad bay u ballaratay waxay yeelan doontaa rugo badan oo saldhiga hoos taga, magac bixin ayaa loo sameyn doonaa rugahaasi, waa markii qalabka loo baahan yahay maamul ahaan la keeno” ayuu hadalkiisa raaciyay taliyaha.

Ugu dambeyn Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa balan qaaday in uu kordhin doono tababarada ay helaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, meel walba oo ay dalka ka joogaan.

Goobjoog News