U bood dhigaalka

Dayactir Lagu Sameynayo Garoonka Diyaaradaha Degmada Buuloburde Ee Gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buuloburde iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadaasi ayaa maanta si wadajir ah waxa ay dayactir uga bilaabeen garoonka diyaaradaha ee degmadaasi, kaasi oo burbur uu ka muuqanayo.

Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Liibaan Cabdi Burusow oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in garoonka uu aad u burburay, islamarkaana gacanta ugu weyn ay geysanayaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Jabuuti.

“Anaga oo kaashaneyna ciidamada Jabuuti ayaa bilaabay dayactirka garoonka Buuloburde, sidoo kale shacabka ayaa iyaguna iskaa wax u qabso howsha ku wada, mana jirto hay’ad ama cid kale oo gacan naga siinayso dib u habeynta garoonkaasi” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale Liibaan Cabdi Burusow ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan todobaadyo ka dib in la dhameeyo dib u habeynta garoonka, islamarkaana garoonkaasi ay diyaaradaha si caadi ah uga soo degaan.

Shacabka ku dhaqan degmada Buuloburde ma haystaan wadooyin ay ku safraan, waxaana degmada go’doon geliyay Xarakada Al-shabaab, iyadoo dhanka kale degmada ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada