U bood dhigaalka

Baardheere : Diyaaradaha Drones-ka oo Duqeymo Ku Diley Saraakiil Al-Shabaab

Sheeko:Dalka

Warar hadda soo baxaya waxa ay sheegayaan in diyaarado looga shakisanyahay in ay yihiin kuwa Maraykanka ee aan duuliyeyaasha lahayn ee Drones-ka ay duqeymo ka geysteen meel 35km u jirta magaalada Baardheere oo lagu magacaabo Garas Duulaan , waxaana duqeymahaasi lagu diley 2 sargaal oo sarsare oo Alshabaab ka tirsan.

Saraakiishani ayaa magacyadooda lagu sheegey Ismaaciil Jabhad iyo Ismaaciil Dheere kuwaasi oo aanan balse xilalka ay ka hayeen Alshabaab aanan la caddeynin.

Dadka Baardheere iyo illo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Goobjoog u xaqiijiyey in ay duqeymaha dhaceen, balse Goobjoog ma xaqiijin karto saraakiisha la sheegey in duqeynta lagu diley.

Alshabaab waxa ay Baardheere qabsatay sanadkii 2009-kii, illaa haddana waa ay heysataa, balse maalmihii ugu dambeeyey waxaa magaalada jihooyin kala duwan oga siqaya ciidamada ka kala socda Itoobiya iyo Kenya oo ay wehliyaan kuwa Soomaalida.

Mar sii horeysey oo dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeymo noocan oo kale ahaa oo saraakiil Alshabaab lagu diley meel banaanka ka ah magaalada Baardheere. Lamase oga lugta ay tanina ku leedahay dowladda.

Bishii lasoo dhaafay wargeys kasoo baxa dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Foreign Policy ayaa qorey in ciidamada Maraykanka ay labo saldhig ku leeyihiin dalka Soomaaliya, Kismaayo iyo Balli-Doogle, kuwaasi oo ay ka haadaan diyaaradaha Drones-ka. Lama oga sidoo kale in diyaaradahan wax duqeeyey ay ka kaceen saldhigyadaasi la sheegey.

Goobjoog News