Dad Muhaajiriin ah oo Qarqiyey Yurub
Waxaa qaaradda Yurub ka taagan qalalaasihii ugu weynaa ebed kadib dagaalkii labaad ee adduunka ee ku saabsan muhaajiriin ama dad soogalooti ah ama qaxaya.
Boqolaal kun oo qof oo caruurahooda ilkaha ku wata ayaa qarqiyey wadamada Yurub iyaga oo isaga talaabaya xuduudaha dalalkaasi, waxayna xaaladu gaartay heer ay faraha kasii baxayso.
Tusaale ahaan, magaalada Budapest ee dalka Hungry, kumanaan qof oo qaxooti ah oo ka yimid Suuriya iyo waddamo kale ayaa dhooban qadadka tareenka, iyaga oo isku dayaya in ay gaaraan dalka Austria ee dariska la ah, kadibna uga sii gudbaan waddamada Yurub ee barwaaqo sooranka ah.
Ciidamada booliiska ayaa dadka ku hortaagan halka tareenka laga raaco, taasi oo kaliftey in dadka maalintii labaad ay wadaan mudaaharaadyo ay ku dalbanayaan in loo fasoxo in ay tareenka raacaan.
Saraakiisha dalka Hungry waxa ay cuskanayaan in qaanuunka Yurub ka wada dhaxeeya uusan ogoleyn in uu dalalka isaga talaabo qof aanan wadanin sharci ama dal-ku-gal.
Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Viena ee dalka Austria waxaa gaaray boqolaal kun oo qof, dalka Jarmany sidoo kale, halka dalka Faransiiska ay meel xero ah dad ku jira ay ka dhaceen rabshado iyaga oo isku dayaya in ay u gudbaan dalka Ingiriiska.
Sida ay sheegtey hey’adda qaramada midoobey ee qaxootiga ee UNHCR, illaa 350 kun oo qof ayaa sanadkani kaliya gaartay xeebaha Yurub, taasi oo labo jeer ka badan tiradii dadka ee sanadkii hore oo dhan gaartay qaaradda.
12 dal oo reer Yurub ah ayaa doomo u direy badda meditarian-ka si ay isu hortaagaan dadka badda soo maaxaya ee Yurub galaya, balse taasi wali laguma guuleysan.
Dadkani hadda waxa ay intooda badan mareen dhanka Turkiga, iyaga oo Yurub ka galay dalka Giriiga oo muddo bilooyin ay ku xaraysnaayeen ka hor intii aysan oodda jabsanin.
Inta badan wadamada Yurub hadda waxa ay xuduudahooda ka dhisayaan silig iyo xeendaabyo taasi oo ka taloowsan heshiiskii reer Yurub ee fududeynayay isu socodka dadka qaaradda dhexdeeda.
Waxaa kale oo la jabiyey heshiis kale oo ahaa in qofka Yurub qaxooti usoo gala ay tahay in laga qaabilo dalka ugu horeeya ee uu tago.
Illaa 1600 qof ayaa illaa iyo hadda ku dhimatay hayaankan haadaamo iska xoorka ah, ee badaha la isku gurayo.
Reer Yurub waxa ay hadda ku muransanyihiin sidii ay u qeybsan lahaayeen dadka kusoo jabay, iyada oo dalal gaar ah sida Jarmalka ay dhabarka u dhigteen dhibaatada culeyskeeda inteeda badan.
Bishan dhamaadkeeda reer Yurub waxa ay yeelan doonaan shir ay kaga wada hadlayaan mashaqan muhaajiriinta, lana filayo in aragti mideysan ay kasoo saaraan.
Dalka Jarmal-ka , boqolaal kun oo qof oo halkaasi gaartay ayaa loo fidinayaa gargaar , iyada oo shacabka dalkaasi ay ku yaboohayaan cunto, hug iyo waxyaabo kale oo la siinayo dadka fuuqbaxay, xanuunsan, haraadsan, islamarkaasina gaajaysan ee qaxa ku yimid.
Idaacadaha la iska arko kuwooda ugu waaweyn adduunka ayaa si toos ah looga tabinayaa mashaqada, iyada oo la arkayo dad lugeynaya, kuwa baabuur lagu kuusey, kuwa geedo hoostooda fadhiya iyo kuwa hamayaaq ah oo xaaladooda ay aad u liidato.
Goobjoog News