U bood dhigaalka

4 Shirkad Mobile oo Dhawaan Albaabada La Iskugu Dhufan doono.

Shirkadan Mobillada ka gacsada waxaa ay laga deyrinayaa khasaaraha ay sanad walba galaan, waxaa kaloo tartan adag kula jira shirkadaha Tecknolojiyadda ee kale.

Shirkadda  Koobaad: Lenovo, Waa shirkada Telefoono gacanta ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaa la aasaasay 1984-tii, waxaa ay xafiisyo ku leedahay Chinese Beijing, China, Morrisville, North Carolina, United States iyo meelo kale.

Shirkaddan waxaa soo gaartay Khasaare aad u badan, 4tii Bil ee ugu horeysay sanadkan waxaa ay Khasaartay 105 Milyan oo Dollar, Waxaa ay sidoo kale kala dirya Kala u Bar shaqaalaheed.

Shirkaddan waxaa ay dooneysaa in ay suuqa ka baxdo oo shirkadda Motorolla isku darsato labada magic, waxaana la filayaa in Logo Mobillada ku dhegan ee shirkaddan aanay sii jiri doonin labo sano gudahood.

Shirkadda Labaad: Sony Mobile Communications, Waa Shirkad laga leeyahay dalka Jabaan, waxaa ay xafiisyo ku leedahay Tokyo, Japan, Lund, Sweden iyo meelo kale, waxaa la aasaasay 2001-dii.

Shirkaddan waxaa ay Khasaare badan kala kulantay Suuqa Mobillada iyadoo Khaasaartay Labo sano oo isku xiga, sanadkan kaliya waxaa ay Khaasaartay 480 Milyan oo doolar halka sanadkii hore ay Khasaartat 310 Milyan oo Dollar, sidaa darteed waxaa la saadaalinayaa in Albaabada la isugu dhufan doona sanadkan ama kan xiga

Shirkadda Sedexaad: Blackberry  Shirkadda waxaa ay ku jirtaa Khasaare badan, August sanadkan waxaa la sheegay in ay khasaartay 207 Milyan oo Dollar halka sanadkii hore ay Khasaartay 965 Milyan oo Dollar.

Shirkaddan waxaa ay hoos u dhac Khasaare oo xagga dhaqaalaha ay bilowday sanadkii 2013kii, waxaa ay wararka qaar sheekagayaan in shirkaddan ay iibsan rabo shirkadda Microsoft inta aanu sanadkan dhamaan, lakin waxaa si weyn loo saadaalinayaa in shirkadda ay xermi doonto goor dhaw.

Shirkadda Afaraad: Samsung: Shirkaddan waxaa laga leeyahay Koofur Afrika, in kastoo shirkadda ay xoogaa ka fiican tahay shirkadihii hore, la sheegayo in faa’ido yar ay heshay hadana waxaa la saadsaalinayaa in Albaabada la isugu dhufan doono dhawaan

Shirkaddan waxaa ay Muddo iska heystay Suuqa Mobillada, lakin waxaa la leeyahay Maalmaheeda waa ay tirsamaan, shirkadda waxaa dhib badan ku haya shirkada Shiinees ah oo tartamn adag kula jira, weliba ka qarash yar.