U bood dhigaalka

Ciidamada Puntland Oo Boosaaso Ku Xiray Dhallinyaro Tahriibaysay

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska Puntland ee gobalka Bari ayaa gacanta ku dhigay dhallinyaro la sheegay in ay doonayeen inay u tahriibaan dalka Yemen.

Taliyaha qeybta Booliiska gobalka Bari Cabdixakiin Xuseen Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 32 dhallinyaro rag ah, haatanna ay xabsi ku jiraan.

“Waxaan saldhigga bartamaha ku xiran 32 dhallinyaro ah, waxaan kasoo qabannay deegaannada Shibiro iyo Ceelaayo, waxay u xiran yihiin waa arrimo tahriib, waxay ku jihaysnaayeen Yaman, waalidiinta waxaan ka codsanaynaa inay ilmahooda illaashadaan, waxaa jirta waalidku aysan aad uga Warqabin ilmahooda’’ ayuu yiri taliyaha

Dhinaca kale taliye Cabdixakiin ayaa sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan howlgal ballaaran kana dhan ah Tahriibka, isaga dadka wax tahriibiya uga digay howsha ay wadaan, una sheegay in cadaalladda lahor geyn doono hadii aanay ka waantoobin waxa ay wadaan.

Dadka inta badan ka tahriiba magaalada Boosaaso waxay qaab tahriib ahaan usii aadaan dalka Yemen oo xilligaan ammaankiisu aanu wanaagsaneen.

Goobjoog News