U bood dhigaalka

2016: Somaliland Oo Soo Bandhigtay Shaxda Dadka La Dilay Iyo Tirada Dhibanayaasha Burcadda, Kufsiga, Shilalka IWM

Sheeko:Dalka

Guddiga Shuruucda, arrimaha garsoorka iyo xuquuqul insaanka ee golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in ay la kulmeen xeer ilaalinta guud kaas oo guddiga warbixin ka siiyay kiisaskii dilalka iyo kufsiga ahaa ee dhacay 2016.

Kulankaas kadib, guddiga waxaa ay Saxaafadda u soo bandhigeen shaxda dilalka, burcadda, kufsiga iyo dhammaan dhibaatooyinkii ka dhacay Somaliland.

Gobollada Maamulka Somaliland:

Maroodi Jeex: 15 qof, Burcad 108, kufsi 26, shil gaari 55, Maandooriye 27, isku day dil 18 qof.

Togdheer: Dilka 26 qof, Burcad 37, kufsi 17, shil gaari 29, Maan-dooriye 43, isku day dil 17 qof.

Awdal: Dilka  qof 6, Burcad 11  , kufsi  8, shil gaari 4 , Maan-dooriye 12 , isku day dil  qof 4.

Saaxil: Dilka  12 qof  , Burcad 4   , kufsi 6 , shil gaari 47 , Maan-dooriye 20   , isku day dil  2 qof .

Sanaag: Dilka  6 qof  , Burcad 4   , kufsi 19 , shil gaari 6 , Maan-dooriye 3   , isku day dil  8 qof .

Sool: Dilka  3 qof  , Burcad 5   , kufsi 8 , shil gaari 12 , Maan-dooriye 24  , isku day dil  7 qof .

Gabiley: dilka 5 qof  , Burcad 9   , kufsi 5 , shil gaari 34 , Maan-dooriye 24  , isku day dil  0 qof .

Saraar: dilka 4 qof  , Burcad 0   , kufsi 2 , shil gaari 2 , Maan-dooriye 0  , isku day dil  3 qof .

Guud ahaan:  Guud ahaa dadka dilka ku dhintay Somaliland 77 qof, Burcad 67, Kufsi 91, Shil gaari 189, Maan-dooriye 156 iyo isku day dil 59 qof

Goobjoog News