U bood dhigaalka

Wasiir Diini Oo Baarlamaanka Ka Codsaday Meelmarinta Heshiis Lagu Dhisayo Ciidamo Lagu Bedelo AMISOM

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa baarlamaanka Somaliya u jeediyay codsi iney ansixiyaan heshiis lagu dhisayo ciidamo gurmad ah oo ay yeeshaan dowaladaha bariga Afrika.

Wasiirka ayaa ugu horreyn baarlamaanka u sheegay iney qaaradda afrika ay isku tashaneyso oo gobol kasta uu sameysanayo ciidamo u gurmad ah:

“Qaaradda Afrika ciidamo gurmad ah iney sameysato ayaa lagu heshiiyay, waxaa laga kala sameeyay meelo kala gadisan, waqooyiga Afrika, Galbeedka Afrika, koonfurta Afrika, bartamaha Afrika iyo geeska Afrika, ciidamadan oo loogu talalgalay iney qabtaan howlo ah gurmad dagdag ah markii dalalka xubnaha ka ah heshiiskaas oo ah kan bariga Afrika oo aan hadda halkaan kaga hadleyno iney qabtaan dhibaatooyin dalkii ay ku timaaddo iney kala qeyb qaataan ayaa loo sameeyay”.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay:

“Ciidamadaa gurmadka ah 10 dal ayaa ku bahoobay, Soomaaliya oo iyadu guddoonka haysa, Burundi, Comoros, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Ruwanda, Seysheelis, Suudaan, Ugandha, Koonfurta Suudaan ayaa xubin aan rasmi ahayn ka ah, waxaa arrimaha ciidanka la socda arrimo kale oo ku saabsan dhanka siyaasadda oo waxaa la socda booliska, bulshada rayidka, markaa dalka loo gurmado howlihii loo baahnaa oo dhan ama samafal ha noqdeen ama wax kale; ayaa ku jira”.

Wasiirka ayaa sheegay in haddii ciidamada bariga Afrika ay jir lahaayeen aan loo baahdeen AMISOM iyo howlgalkeeda Soomaaliya:

“Halka ay AMISOM inagala joogto haddii ay ciidamadaasi abuurnaal lahaayeen iyaga ayaa iman lahaa”.

Heshiiskan ayaa la saxiixay Juun 2014-kii, dowlad walbana waxaa la yiri heshiiskaas baarlamaankeedu ha soo meel mariyo, sidaas ayuu ku hirgalayaa, dowladihii badidoodu way sameeyeen, waxaa harsanaa Soomaaliya iyo dowlado kale oo yaryar ah.

Qalalaaso ayaa ka dhacay Burundi oo Afrika waxay goddoonsatay in ciidamo 5 kun ah loo diro, 2500 waxaa la yiri; dalalka bariga Afrika ha keeneen, maadaama dhibaatadu ay ka dhacday dal bariga Afrika ka tirsan, EU-da kalena waxay ku taageeraysaa 2500 oo kale, 5000 ayaa loogu talogalay iney Bururndi Caawiyaan, nasiib darro ma aaney dhicin, taa badalkeeda UN-ka ayaa u diray ciidamo Boolis ah iyo dad kale oo ilaaliya dhacdooyinkaa xadgudubka ah ee ka dhacay dalkaas, haddiise heshiiskani jiri lahaa waxaa dhici lahayd in la ogolaado in ciidamo bariga Afrika ka socdaa uu gaaro dalka Burundi.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ka codsaday baaralmaanka federaalka Soomaaliya in heshiiskan la soo akhriyo oo la meel mariyo, waxaanuu hoosta ka xariiqay iney dan weyn ugu jirto Soomaaliya, xoriyadda dalka iyo madaxbanaanidiisan aanuu waxba u dhimeyn.

Goobjoog News