Ansixinta Heshiisikii DP World oo Saameyn Taban Ku Yeeshay Baarlamaanka Somaliland
Ansixinta Heshiiskii DP World ee maalgelinta dekedda Berbera ayaa saameyn aan wanaagsaneyn ku yeeshay habsami socodka shaqada ee baarlamaanka oo anxisinta heshiiska ka dib si gaabis ah u socda.
Xildhibaanada ka soo horjeestay ansixintii heshiiska ayaa ku doodaya in lacag ay xukuumaddu siisay xildhibaanadii heshiiska ansixiyey ay saamayn ku yeelatay shaqadii golaha wakiiladu u hayey bulshada.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ahaa xubno xildhibaanno ah oo ka soo horjeeday heshiiska ayaa sheegay in ansixinta heshiiskan xildhibaanadu ku meel mariyeen lacago gaareysa illaa $9000 oo ay xukuumadda ka qaateen xildhibaanadu , taas oo saamayn ku yeelatay shaqadii goluhu bulshada u hayeen, iyadoo fadhigii kaa ku xigayba ay diideen badankoodu in dood laga furo sharciyeyta wax ka bedel lagu sameeyo qaabka xukuumaddu umaamusho hantida guud .
Xildhibaankan ayaa tilmaamay in doodaasi haddii ay meel marto, waa tan ku saabsan sharciga hantida guud; oo ay noqoto xeer goluhu u fadhiisto lana ansixiyo ay saamayn ku yeelanayso hanti guryo iyo dhul iskugu jirta oo danta guud ee dadka ka dhaxaysa ah ay xukuumaddu ka iibinayso ganacsato .
Xildhibaan Qabile oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa yiri ” wax kast oo sharci darro loo qaataa waxay saamaynaysaa waxii sharciga ahaa lacag sharci darro ah oo ay xildhibaanadu qaateen ayaa hakisay shaqadii dhammaa ee golaha shacabku u igmadeen”.
Arrinta dhalisay doodda ah in xildhibaanadu lacag ka qaateen xukuumadda si ay ugu meel mariyaan heshiiska dekadda Berbera ayaa bilaabatay ka dib markii xildhibaanno mucaarad u badnaa oo meel adag ka taagnaa heshiiska maalintii koowaad ee fadhiga ay shaaciyeen maalintii labaadba inay ka tanaasuleen dooddii iyagoo ugu dambey cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiska.
Goobjoog News