Gaalkacyo: Dadkii Barakacay Oo Dib Usoo Laabanaya
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa laga dareemayaa dib usoo laabashada dadkii dhowaan ka barakacay dagaalladii ka dhacay magaaladaasi ee u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Shacabka oo intiisa badan ku barakacay duleedyada Gaalkacyo ayaa markii ay ka war heleen in la kala qaaddey ciidamadii isku horfadhiyey magaaladaasi waxay billaabeen iney dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Qaar kamid ah dadkaasi oo la hadlay Goobjoog News, waxay sheegeen iney ku farxeen nabadda ay qaateen maamullada Puntland iyo Galmudug, islamarkaana deegaannadii ay ku barakaceen ay ku qabeen dhibaato xooggan.
Axmed Cali Xasan waxa uu kamid yahay waalidiintii carruurtooda kala carartay dagaalladii ka socday Gaalkacyo, waxa uu ka sheekeeyey mudadii barakaca uu ku maqnaa iyo dhibaatooyinkii uu la kulmay.
“Kolley waad garan kartaa nin deegaankiisii ka maqnaa waxa uu la kulmayo, waxaan nafta kula cararnay meel aaney dad inooga horreyn, meel cidlo ah baan seexaneynay, biyo iyo raashiin nagu filan ma lahayn, cadceedda dusheenna bay kusoo baxaysan kuna dhaceysay, balse waa ilaah mahaddiis haddii nabadda la qaatey, dagaalladii ay joogsadeen ciidankiina la kala qaadey” ayuu yiri Axmed.
Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa ku guuleystay iney heshiis kala dhex dhigaan maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku dhowaad 20 cisho ku dagaallamayey magaalada Gaalkacyo.
Goobjoog News