U bood dhigaalka

Heerka Abaarta Ka Jirta Gobolka Hiiraan (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Safar qaatay 48 saac, masaafo ahaanna gaarayey ku dhowaad 200 oo km ayaa kula kulanay dadka dhibaatada aay kasoo gaartay  abaaraha kajira Gobolka Hiiraan, maadaama gobolka ay usoo roob raadsadeen qoysas kale oo badan oo ka yimid qaar kamid ah Gobolada kale ee dalka.

Magalada Beledweyne iyo degmada Maxaas oo kutaala bariga fog ee Gobolka waxaa ku dhex nool dad kor u dhaafaya 8 kun oo qoys, kuwaas oo usoo naq raacay degmadan oo dadka loogu sheegay xoogaa roobab ah mudo bil kahor.

Axmed xaashi waa nin dhallinyaro ah oo da ahaan an ku qiyaasay 30- sano jir waxana kulamay inta u dhexeysa degaannada Teedaan Iyo Dabayoodley ee bariga gobolka Hiiraan.

Axmed waxa uu ilaalinayay xoolo gaaraya ilaa 50 neef oo ari ah, waxaa uu ii sheegay in uu kasoo biyo raadsaday deegaan fog oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, qarash badan oo garaya ilaa 700 oo doolar ayuu ii xaqiijiyey inuu ka qaatey gaarigii garigii uu kusoo guuray, waxaana uu intaaa ii raaciyay in  xoolihii uu lahaan  inta badan abaarta uga dhammaadeen.

Inta aan safarka ku jiray waxaay indhahaaygu qabanayeen xoolaha oo qeyb qeeyb meelo ku ruux baxay, waxaa sidoo kale aan aan la kulmay dad taagan hareeraha wadada oo biyo ay cabaan na weeydiisanayay hase ahaatee ahaatee waxaay u badnaayeen dad socota ah oo raadinaya meel aay raxmada Alle ay ka curatay iyo kuwa qaar deegaanka ah oo aay aad uga fog-yihiin halka biyaha aay u raadsadaan.

Deegaannada kala ah Teedaan, Raqso, Hees, Coomaad, Bukure, Ina Baal, Galoowribad, iyo deegaano kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Hiiraaan una dhaxeeya inta badan degmooyinka Matabaan iyo Maxaad waxay kamid ahaayeen deegaannadii dadka ugu badan ay soo wada maciin bideen hase ahaatee xaaladihii aay kasoo carareen ee roob la’aanta ah mid lamid ah ayaa ku haaysato halkaasi, waxaa intaa u dheer in guryohoodii oo ay ka kasoo fogaadeen maadaama badankood dadkan ay kasoo bara keceen abaaraha ka jiro  gobollada kala ah Galgaduud, Shabellaha Dhexe iyo qeybo kamid ah gobolka Mudug iyo deegaanno abaartu saameysay oo gobolka Hiiraan ah.

Hooyo Magaceeda iigu sheegtay Xaliimo Cabdi waxa ay ka soo gureetay dulka baadiyaha ah ee hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxa ay ii sheegtay in ay horey u lahayd 500 oo neef oo Ari ah, hadane ay leedahay wax ka yar 100 neef, waxa ay intaa ku dartay in ay meel fog ay kasoo raadisay raxmadda Alle oo halkaan loogu sheegay si badbaado ay u helaan xoolaha aan badneyn ee ay hada haysato.

Mumin Maxamed Xalane oo ah gudoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxana kula kulmay degaanka Teedaan  oo  kamid ah degaannada ay degaansadeen dadkaasi kasoo barakacay Goboalada kala duwan ee dalka, waxaana uu iiga waramay dhibaatada abaartu ay u geysatay, isagoo ku baqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkan.

Abaarta oo saameyn badan ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa hadda dadka waxaa aad ugu daran biyo la’aan madaama dadku ay biyo ka raadsadaan baraago bilooyin kahor biyuhu ay galeen iyo raashiin la’aan.

Majirto ilaa hadda cid gurmad ka geeysatay abaarahan ka jira meelo badan oo gobolka kamid ah, marka laga reebo mamulka degmada Maxaas oo dadka qaar biyaha ka caawiya.

2010-kii ayey ahayd markii abaarahan oo kale ay ka dhaceen deegaannada Gobolka Hiiraan, waxaana xilligan  ku xoolo waayey qoysas badan oo deggan gobolka Hiiraan, balse hadda waxay saameynta qeyb ka ah qoysas ka yimid qaar kale oo ka mid ah gobollada Dalka.

Khaalid Muxumad Ilka Case

Goobjoog News

B/weyne, Hiiraan

8 9 10 11 14 15 17 18 19 20 21 22 23 dsc04995 dsc04999 dsc05004 dsc05006 dsc05011 dsc05012 dsc05015