U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyihii Puntland Oo Boosaaso Lagu Diley

Sheeko:Dalka

Dabley hubeysan oo tiradooda lagu sheegay illaa labo nin oo rag ah ayaa bartamaha magaalada Boosaaso ku toogtay xeer ilaaliyihii ciidamada qalabka sida ee Puntland Col. Cabdikariin Xasan Fardhiye.

Wararka Goobjoog News ay ka heleyso magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in dilka kadib ay dableyda hubeysan ay isaga baxsatay goobta ay dilka ka geysatay.

Xeer ilaaliyihii ciidanka qalabka sida ee Puntland Korneyl Cabdikariin Xasan Fardhiye ayaa u geeriyooday rasaas ay la dhaceen raggaasi hubeysnaa.

Warar ka soo baxaya Boosaaso ayaa sheegaya in dad shacab ah ay isku dayeen inay qabtaan kooxda hubeysan ee dishay xeer ilaaliyihii ciidamada Puntland, hase yeeshee arrintaas weli ma aynaan xaqiijin saraakiisha Booliiska iyo laamaha ammaanka degmada Boosaaso iyo gobolka Bari.

Isla bishaan gudaheeda magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay dhowr dilal qorsheysan oo lagu diley saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsanaa maamulkaasi Puntland waxaana u dambeeyay Agaasimihii madaxtooyada Puntland ee Boosaaso Aadan  Gaas Haruuse iyo taliye ku xigeenkii booliska Puntland Col. Jaamac Saxardiid Cabdi.

Seddexda masuul ee ugu sarreysa maamulka Puntland sida madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku xigeenkiisa Cabdixakiin Xaaji Cameey iyo guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa muddo todobaadyo ah ka maqan degaannada maamulkaasi.

Goobjoog News