U bood dhigaalka

Faysal Cali Waraabe: Xildhibaannada Labada Aqal Ha Doortaan Madaxweyne Caddaalad Ah

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa ugu horreyn ka hadlay doorashada madaxweyne ee dhowaan la filayo iney ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Mr. Faysal in Xildhibaannada Labada aqal looga baahan yahay iney ka fiirsadaan cidda ay u dhiibi doonaan hoggaanka dalka 4-ta sano ee soo socota.

Mudanayaasha baarlamaanka ayuu sheegay in markaan go’aanka gacantooda uu ku jiro, lagana doonayo iney doortaan shaqsiga ay u arkaan in marxaladda Soomaaliya ku jirto ka bixin karo.

“Xildhibaannada Labada aqal ha doortaan madaxweyne Caddaalad ah, waa in aan la eegin weji aqoon, qarash, iyo koox midna, balse la eegaa cidda wax u qaban karta shacabka Soomaaliyeed, waxaana muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ee Labaatanka Sano ka badan rafaadayey ay helaan dowlad dhibta ka qaadda” ayuu yiri Injineer Faysal

Dhanka kale Faysal Cali Waraabe ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dib u habeyn lagu sameeyo wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka ah, kaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey aanu u socon sidii loo rabay kadib khilaaf Labada dhinac soo kala dhexgalay.

8-da bishan, kuna beegan maalinta Arbacada ah ee soo socota waxay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya dooran doonaan madaxweynaha dalka hoggaamin doona 4-ta sano ee soo socota.

Goobjoog News