Baarlamaanka K/galbeed Oo Dib u Celiyey Sharciga Dowladaha Hoose
Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa dib ugu celiyey wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi, sharciga dowladaha hoose, kaasi oo dhowaan wasaaraddu u gubisay baarlamaankaasi.
Kulan ay xildhibaannada K/galbeed ku yeesheen magaalada Baydhabo ayeey kaga doodeen sharcigan, waxaana kulankaasi xaadirtay 66 mudane.
Codeynta oo gacan taag ahayd ayaa waxaa kahor yimid in sharcigaan la meelmariyo 35 mudane, waxaa aqbashay 28 xildhibaan, halka 3 xildhibaan ay ka aamuseen.
Guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay in sharcigaan dib loogu celiyey wasaaradda arrimaha gudaha K/galbeed.
Sharcigan ayaa waxaa ku qoran in dhammaan maamullada deegaannada K/galbeed aan lasoo magacaabi doonin oo shacabka iyagu dooran doonaan ciddii ay rabaan.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog New