U bood dhigaalka

Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helay Diyaaraddii Ku Dhacday Garbahaarey

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa diyaarad wadday raashiin gar gaar ah, una rarneyd hay’adda cunnada adduunka ee WFP, taasi oo shalay ku dhacday degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Diyaaraddan ayaa la xaqiijiyey iney saarnaayeen Shan shaqaale ah, waxaana lagu guuleystay in la badbaadiyo dhammaantood kadib markii ay u gurmadeen maamulka degmadaasi iyo sidoo kale ciidamada AMISOM.

Raashiinka ay waddey diyaaraddan waxaa kamid ahaa Boorash, Buskutka nafaqada caruurtay iyo raashiin kale oo loogu talogalay dadka ay abaartu saameysay.

Diyaaradda ayaa la sheegay in cagaha ay u bixi waayeen, iyadoo markii ay soo dageysayna ay dhulka ku dhufsatay mid kamid ah garbaheeda, waxaana xowliga ay ku socotay dumisay darib uu lahaa garoonka, una gudubtay guri ku yaallay halkaasi oo ay burburisay.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in dab uu ka kacay qeyb kamid ah diyaaradda, waxaana dabkaasi damiyey ciidamada AMISOM, iyadoo raashiinkii saarnaa qaarkood uu dabka saameeyay.

4-tii bishan ayeey ahayd markii diyaarad nooca yar ah ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana diyaaraddaasi saarnaa saraakil dhanka ammaanka ah.

Goobjoog News