U bood dhigaalka

IGAD Oo Bogaadisay Abiy Axmed

Hay’adda horumarinta bariga Afrika ee” IGAD” ayaa bogaadisay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed hoggaankiisa suuban iyo geesinimadiisa uu ku dhiiraday in dalkiisa uu la sameeyo xiriir Eritrea.

Shalay oo Axad aheyd Itoobiya iyo Eritrea waxay gaareen heshiis ku saabsan arinta soo celinta xiriirka labada dal si dhameystiran, furidda safaaradaha, bilaabista safarada cirka iyo adeegsiga dekadaha ka dib go’doon socday muddo 17 sano ah.

Maxbuub Macallim oo ah xoghayaha fulinta IGAD ayaa ugu hambalyeeyay Abiy Axmed iyo hoggaankiisa suuban iyo geesinimada uu ku soo celiyay xiriirka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea iyo xallinta dhibaatada ku saabsan arrimaha Sohdinta.

Xoghayaha IGAD ayaa caddeeyay in tallaabadani uusan shaki ku jirin in labada shacab ay ka faa’ideysanayaan ayna ka qeyb-qaadaneyso xaqiijinta nabadgelyada iyo in uu is dhameystiro dhaqaalaha gobolka iyo qaaradda Afrika.

Abiy ayaa shalay booqasho taariikhi ah waxaa uu ku tagay Magaalada Asmara waqti laga joogo ku dhowaad 20 sano oo colaad ay ka dhaxeysay labada dal.

Booqashada ayaa imaaneysa xilli ay socdaan dadaallo lagu soo celinayo xiriirka,sameynta wadahadallo nabadeed oo u dhaxeeya labada wadan, ka dib go’doon socday in ku dhow 20 sano, sida ay sheegtay Idaacadda Qana ee Itoobiya.

Eritrea ayaa xornimada ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993-dii, ka dib dagaal socday muddo dhan 20 sano balse loolanka Soohdinta magaalada Padmé ayaa mar kale ka dhex bilowday labadooda sanadkii 1998-dii waxaana waqtigaasi go’ay xiriirkii diblomaasiyadeed.

Algeria ayaa martigalisay bishii December 2000 saxiixa heshiis nabadeed oo u dhaxeeya labada dal, kaasi oo lagu dhameynayay dagaalka Soohdimaha .

Bishii la soo dhaafay waxay Itoobiya ay ku dhawaaqday inay si buuxda ay u fulineyso heshiiskii sumadeynta Xuduudaha .

Goobjoog News