U bood dhigaalka

GIDG Oo Dhisaya Militari Iyo Xisbi U Gaar Ah, Siina Adkeeyey Hakinta wada shaqeynta Dowlad Dhexe

Sheeko:Dalka

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa goor dhow waxa ay magaalada Garoowe kusoo gabagabeeyeen shir halkaasi uga soconayey Afar maalin, waxaana lasoo saaray War-murtiyeed ay arrimo badan kaga hadleen,

Halkaan hoose ka akhriso War-murtiyeedka:

GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA -GIDG-

WAR-MURTIYEED

Garowe

TAARIIKH; 20-24- Oktobar 2018

Shirkii 4aad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtey Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka soo qayb galay hogaamiyeyaasha Golaha oo ay kamid yahiin Madaxweynaha Puntland Mudane Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ahna Gudoomiyaha Golaha, islamarkaana martigaliyey shirka, Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane sharif Xassan Sh Adan iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle xaaf.

Shirka oo socdey intii u dhaxaysay 20-24 waxaa ka soo qayb galey madax kale oo kor u dhaafayey ilaa 100 ergey oo kala matalayey labada gole ee xukuumada iyo Barlamaanka Dowlad Goboleedyada.

Mudadii shanta bari ahayd ee shirku socday waxay madaxdu wadatashi ka yeesheen arrimo badan oo diirada lagu saarayey arrimaha amniga, siyaasada iyo bulshada ee dalka, waxaana gaba gabadii shirka ka soo baxay War-Murtiyeedkan:

ARRIMAHA AMNIGA

Kadib markii qiimayn, falaqayn iyo wada tashi dheer laga yeeshay arrimaha amniga ee dowlad goboleedyada iyo dadaalada ku aadan sugida Amniga dalka waxaana dirada lagu saarey:-

  1. Tan iyo intii Dowladan hada jirta xukunka lawareegtay horaantii 2017, Goluhu wuxuu si joogta ah u soo bandhigayey tilmaamo iyo talooyin ka turjumayey sidii lagu sugi lahaa amniga loona badbaadin lahaa dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana marar badan la dajiyey qorsheyaal iyo hanaan amni oo lagu xaqiijin karey in lagaaro hadafkaas. Waxaase nasiib daro ah in fulinta dhammaan isku dayadaas lagu guul daraystey sababo la xiriira iyadoo aysan dowlada dhexe lahayn aragti iyo qorshe dhab ah oo amni taasina ay keentey in si buuxda amnigu faraha uga baxo dalkuna uu qarka u saaranyahay in Alshabab mar kale lawareegto, taas oo cadeynaysa in aan amniga dalka lagu aamini karin Dowladda Dhexe.

Sidaas darteed Goluhu wuxuu go’aan ku gaarey:- 1.1 In la abuuro qorshe iyo hannaan amni oo dhab ah oo ay ku mideysanyihiin Dowlad Goboleedyadu kaas oo masuuliyada fulintiisa iyo maalgalintiisuba hormuud ka noqonayaan Dowlad Goboleedyadu.

1.2 In la dhiso Golaha Amniga Dowlad Goboleedyada oo hormuud ka noqon doona arrimaha Amniga Dowlad Goboleedyada (Interstate Security Council).

1.3 In la isku daro ciidmo kamid ah Daraawishta Dowlad Goboleedyada kuwaas oo marka la isku dhafo yeelan doona hogaan midaysan (one Command and Control) kadibna loo isticmaali doono xoreynta deegaamada dalka ee wali gacanta cadowga ku jira.

1.4 In mudo laba bilood ah Dowlad Goboleed kasta ciidankan isku dhafka ah ku soo biiriyo 1,000 askari si laysula tababaro kadibna si wadajir ah u wada hawlgalaan. GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA -GIDG- 2

1.5 In la abuuro sanduuq dhaqaale amni oo mideysan kaas oo lagu maal galin doono miisaaniyada ku baxaysa ciidankan. 1.6 Sidoo kale waxaa la isku raacay in Dowlad Goboleedyadu yeeshaan hannaaan kooban oo u gaar ah oo ay ku wadaagaan wararka sirdoonka cadowga.

  1. Marka la helo Dowlad Dhexe oo leh aragti Soomaalinimo dhabna ay ka tahay soo celinta, amniga dalka, Goluhu wuxuu ku wareejin doonaa ciidankan isku dhafka ah si ay uga mid noqdaan ciidanka Xooga Somaaliyeed(CXS).
  2. Goluhu wuxuu isku raacay in dhamaan qorsheyaashii amni ee horey Goluhu kula jirey Dowlada Dhexe ay fashilmeen kadib markii Dowladu ka baaqsatey fulintooda in ku dhow laba sano, sidaas darteed, laga bilaabo maanta oo bishu tahay 24 bishii oktobar Goluhu qayb kama mid noqon doono qorsheyaashan fashilmay.
  3. Goluhu wuxuu su’aalo badan iska waydiinayaa ilaa iyo hadana jawaabteeda lala’yahay sida ay ku dhici karto in wadamada naf iyo maalba ku bixinaya dadaalka loogu jiro in lagu badbaadiyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, hadana ka gaabinaya ka qayb noqoshada xal u helista khilaafka jira iyada oo ay muuqato in mar kale dalku dib u galayo gacanta Alshabaab.

ARRIMAHA SIYAASADA

Mudadii shirku socday, madaxdu waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha siyaasadaha si guud iyo si gaar ahaaneed kuwa khuseeya Dowlad Goboleedyada:-

  1. Goluhu wuxuu mar kale ku celinayaa in mowqifkiisii ku aadanaa hakinta wada shaqeynta Dowlad Dhexe aysan waxba iska badalin ilaa iyo inta Dowladu ka soo marayso wadada saxda ah.
  2. Goluhu wuxuu taagersanyahay dadaalka ay hormuudka ka yihiin Aqalka Sare waana soo dhaweynaynaa wixii talo ah ee ku aadan badbaadinta dalka.
  3. Goluhu wuxuu canbaareynayaa siyaasada guracan ee Dowlada Dhexe hormuudka ka tahay ee ku salaysan burburinta hannaanka federalka iyadoo wakhti iyo dhaqaale badan oo la rabay in loo isticmaalo ladagaalanka argagaxisada iyo horumarinta dalka loo leexiyey iska horkeenka shacabka rer Galmudug iyo burburinta maamulada Dowlad Goboleedyada, waxaana cadeyn ugu filan isku dayga afganbiga siyaasadeed ee ka socda Caddaado taas oo ka turjumaysa sida hogaanka sare ee Dowlada Dhexe uusan u aaminsanayn ku dhaqanka hannaaanka federalka.
  4. Goluhu wuxuu si adag uga soo horjeedaa islamarkaana sidoo kale canbaareynayaa hab dhaqanka Dowlada Dhexe ee ku aadan in siyaasad loo adeegsado dhaqaalaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka dhexeeya ee beesha caalamku (tax payers money) soo mariso gaar ahaan kuwa loogu tala galay in lagu kabo miisaaniyadaha Dowlad Goboleedyada oo hada ay hortaagantahay in loo gudbiyo Dowladaha Goboleedyada sababo la xiriira ra’yi kala duwanaashaha arrimaha amniga iyo siyaasada dalka.
  5. Goluhu wuxuu u mahad celinyaa deeq bixiyeyaasha hiil iyo hooba la garab taagan dadka iyo dalka soomaaliyeed, waxaase nasiib daro ah in dhaqaalahaas loo isticmaalayo arrimo siyaasadeed oo ka soo horjeeda ujeedooyinkii loogu tala galey, sidaas darteed wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in deeq bixiyeyaashu dabagal ku sameeyaan sida loo maamulay dhaqaalahaas si loo xaqiijiy in meeshu loogu talagaly uu gaarey.

3 6. Goluhu wuxuu si cad uga soo horjeedaa sharciyada Dowladdu ku baaqdey in la dadajiyo ansaxintooda iyo dhaqan galintooda kuwaas oo ay kamid yahiin Xeerka Betrolka oo aan haba yaraatee waxba lagaga darin waxyaabihii shirkii Baydhabo lagu heshiiyey, Xeerarka doorashooyinka iyo kan xisbiyada, dhamaan sharciyadan wax wadatashi lagalama yeelanin Dowladaha Goboleedyada kamana turjumayaan rabitaanka shacabka soomaaliyeed.

  1. Goluhu wuxuu ka digayaa iskudayga Dowladdu ku qorsheynayso in ay ku dhisto Golaha Adeega Garsoorka Qaranka iyadoon lamarin hannaanka dastuurku tilmaamayo haddi taasi dhacdana Goluhu ma aqoonsan doono wixii ka soo baxa.
  2. Goluhu wuxuu ku baaqayaa Shirweyne Wadatashi Qaran oo lagu qaban doono mudo bil gudaheed ah Magaalada Dhuusamareeb oo ay kasoo wada qayb gali doonaan dhamaan qaybaha bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasadeed si loo badbaadiyo dalka.
  3. Goluhu wuxuu saluugsanyahay doorka beesha caalamka oo ilaa hada ku jira xaalada arag oo sug (wait and see) taas oo qayb weyn ka ah waxyaabaha Dowlada Dhexe ku dhiiri galinaysa mowqifkooda ku salaysan iska indho tirka xaqiiqda jirta ee amni iyo siyaasadeed ee sii cakirmaysa.
  4. Goluhu wuxuu isku raacey inuu sameeyo Xisbi Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga Hurusocod Qaran(National Progressive Party) oo ay ku mideysanyahiin afarta Dowlad Goboleed ee hada shirkan kasoo qayb galay, waxaana si kumeel gaar ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inta laga gaarayo shirweynaha Xisbiga.
  5. Dadka Soomaaliyeed waxay dib u eegista Dastuurka u idmadeen Gudiga dib u eegista iyo fulinta Dastuurka hadana waxaa muuqata in si cad loo afduubay shaqadii Gudigan, sidaas darteed Goluhu ma aqoonsan doono dib u eegis kasta oo Dastuurka lagu sameeyo ilaa iyo inta dib looga saxayo hannaanka dib u eegista Dastuurka ee wadadiisii laga leexiyey.
  6. Waxaa nasiib daro ah in iyadoo ciidamada iyo saraakiisha Dowlad Goboleedyada ee dhiigooda u daadinaya dalkooda loo la’yahay dhiig joojin hadana dowladu malaayiin doolar ku bixinayso diyaarado lagu qaadayo gaadiidka aan xabadu karin, hub iyo lacago lagu taageerayo musharaxa ay u wadato dooroshada Koonfur Galbeed kuwaas oo laga dajiyey Baydhabo si loo arqaladeeyo Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
  7. Ugu danbayn Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Beesha caalamka ee daneeya Soomaaliya, UN, urur goboleedka IGAD iyo AMISOM in si dhaw ula socdaan isbadalada amni iyo siyaasadeed ee dalka islamarkaana qayb ka noqdaan dadaalka lagu badbaadinayo dalka.
  8. Goluhu wuxuu Gudoomiye cusub u doortey Madaxweyne Sharif Xasan Sh. Aadan iyo ku xigeenkiisa oo ah Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle Xaaf.
  9. Goluhu muxuu u mahad celinaaya Dowlad Puntland guud ahaan iyo shacabweynaha caasimadda Garoowe.

Goobjoog News

—————-

Mawduucyada:Gobollada