Maamulka Hiiraan oo Ka Warbixiyey Xaaladda Barakaca Ee Gobolka
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed dadka barakayaasha ah ee ku sugan magaalda Baladweyne iyo nawaaxigeeda.
Guddoomiyaha oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hadda dadka ku barakacay gudaha magaalada ay wajahayaan xaalad nolol xumi ah, isaga oo intaas ku daray fatahaadihii gobalaka Hiiraan ka dhacay in ay sii kordhiyeen xaalada dadka barakacay iyo weliba tiradooda.
“Barakacayaasha magaalada Baledweyne waxaa moodaa in tiradooda ay aad u kordheyso markii magaalada laga baxay oo fatahaadaha ay dheceen markii la yiri hala soo laabto waxaa abuurmay barakacayaal cusub waxaana keenay, dadkii guryaha iska jilacsan degenaa markii ay soo laabteen guryahoodii ayaa ka baaba’ay waxaa ayna kala nondeen labo qeybood qeyb barakacayaashii hore ku biiray iyo kuwo noqday barakacayaal cusub” ayuu yiri guddoomiyaha.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in xaaladda ay aad u adagtay ayna sabab u tahay barakaca oo ka badan intii u diiwaan gashanaa maamulka gobalka Hiiraan iyo hey’adaha Samafalka waxaana uu yiri.
“Barakacayaashii haddii ay bateen waxaa dhacday in hey’adihii samafalka dadaalkoodii uu yaraado baahida oo badan awgeed,marka aad baracayaasha aad dhex gasho waxaad arkeysaa barakacayaal aan weliba loo tagin oo dadkii wali ay degan yihiin oo biyo, cunto aan heysan iyo musqulo aan laheyn xaalad adag ayaa jirto waxaana keenayo raadadkii fataadaha ayaa nagu dambeeyo”
Dhanka kale guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in dhankooda maamul ahaan ay wadaan da’daallo lagu samato bixinayo dadka lakiin baahida dadka baracayaasha ah ay ka badan tahay mid uu dabooli karo maamulka gobalka Hiiraan waxaana uu yiri.
“Maamulkii ma baahi tiri karo, wax waa la qabtay awal gooba barakaca waa uu koobnaa afarta xaafadood ee magaalada, hadda aad ayuu u kordhay oo 100 ayuu ku dhow yahay awal ilaa 30 ayey ahaayeen, marka baaxadda intaas la’ eg maamulku ma dabooli karo waadna ogtihiin fatahaadii 65000 ayaa magaalada ka baxday oo Ceeljaale iyo meelo kale kala degay”
Ugu dambeyn guddoomiyaha arrimaha bulshada ayaa baaq u diray wasaaraddaha gargaalka heer federal iyo heer gobol waxaana uu ugu baaqay in si dhaqsi ah loo soo gaaro dadka ku barakacay magaalada Baladweyne iyo nawaaxigeeda.
“Wasaaradaha gargaarka federaalka iyo Hirshabeelle waxaan leeyahay fatahaadihii waa laga yimid, laakiin raadadkeedii ayaa wali yaalla magalada waa la dhooban yahay barakacayaashii waa badan yiihiin waa dadkii markii hore fatahaadaha ka soo cararay ma’aysan helin qorshe dowladeed oo dadkaas lagu badbaadiyo”.
Goobjoog News