U bood dhigaalka

Ciidanka ATMIS oo Sheegay in Al-shabaab Laga Saaray Deegaanka Cali Fooldheere

Sheeko:Dalka

Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala qeyb galeen lagu guuleystay in Al-shabaab looga saaro deegaanka Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dhulkaan oo Keymo ah aya muddo waxaa ku go’doonsanaa dagaalamyaal ka tirsan Al-shabaab, waxaana ku socday dagaal iyo duqeymo ay fulinayeen diyaaradaha Maraykanka iyo howlgal Milatariga oo toos ah oo ciidanka Midowga Afrika ay ka qeyb ahaayeen dagaalka dhulkaasi.

War-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Burundi iyo Uganda ee qeyta ka ah ATMIS, Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaal-yahanada deegaanka ee Macawiisleyda, waxaana wali gobolka ka taagan dhaqdhaqaaqyo.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in howlgalka uu daba socday maalmo uu socday weerar saf ballaaran ah oo dhulka iyo madaafiic ah, kaasi oo la soo geba-gebeeyey Axaddii 1-da October, si maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeeyo kaymaha Cali Fooldheere ee Hirshabeelle.

“Waxaan bogaadinayaa dadaalka geesinimada leh ee ay ciidamadeenna ATMIS, iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu jiraan wiiqista Al-Shabaab. ATMIS waxaa si buuxda uga go’an fulinta Qorshaha kala guurka Soomaaliya kaas oo ku dhamaan doona in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yiri.

Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya fariisimihii lala wareegay, waxaana ay ka sifeynayeen Al-Shabaab kooban oo ku haray deegaanno ku yaalla waqooyiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabeelle ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Goobjoog News