U bood dhigaalka

Ciidamo Loogu Talagalay Kala Celinta Beelo Dagaalamay oo Gaaray Degmada Cadale

Sheeko:Amniga

Ciidanka Daraawiishta Booliiska iyo Nabad sugidda ee dowladdu u dirtay inay kala dhex galaan maleyshiyo beeleedyo ku dagaalamaya gobolka Shabeelada dhexe ayaa gaaray deegaanno hoos yimaada degmada Cadale ee gobolkaas, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka dhaceen dagaallada.


Ciidamada ayaa gaaray deegaanada kala ah Cadow-uul, Garasweyne, Xaaji-Cali, Ceel-muluq, laba-garas, Goof-hareeri, Geel-gub, Burto-Shiikh, Geyfo, Boos-muluq iyo Biyo-madoobe, oo dhamaantood ah kuwii ay maleeshiyo beeleedyadu ku dagaalameen, kaas oo gaaray heer guryaha ay iska gubaan dhinacyadu.


Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyadii ku diriray deegaanadaas waxaana howlgallo ay sameeyeen hub ka dhigis ku sameeyeen qaar ka mid ah maleyshiyaadkii dagaalamay iyadoo amar cad la dul dhigay sida uu wabaahinta u xaqiijiyey taliyaha Ciidanka daraawiishta Sarreeye Guuto Cabdulahi Mire.


Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa muddo waxaa kusoo laablaabtay dagaal beeleeyo, kuwaas oo dhxex maray beelo walaalo ah oo wada dega deegaanno hoosta magaalada Cadale, waxaana dhowr jeer aan lagu guuleysan dadaallo nabadeed oo ay hormuud ka ahaayeen mas’uuliyiin kale duwan oo gaaray.

Mawduucyada:Hirshabeelle