U bood dhigaalka

Sideed Ruux oo u Geeriyootay Fataahadda Baladweyne iyo Xaalad Go’doon oo jirta

Sida ay xaqiijisay duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin Ilaa sideed qof ayaa ku geeriyootay fatahaadaha Wabiga Shabeelle uu ka sameynayo magaalada Baladweyne.

Dhanka kale, xaafadaha Kooshin iyo Xaawotaako shacabkii deganaa ayaa 80% u barakacay bannaanka, xilli xaafadaha Buundoweyn Howlwadaag ayaa ku jira go’doon, kuwaas oo shacabkii deganaa ay u suurogelin in ay isaga barakacaan xaafadaha oo waxaa ku hareereysmay biyo aad u badan.

“Meelaha ugu daran oo dadku ay hadda ku geeriyoodeen, qaraxii ugu dambeeyay meeshii uu ka dhacay, oo aan laheyn biyo celiskii buundada, Baladweyne waxaa ay ku sugan tahay laba sano oo Ilaahey xaalkeeda ogyahay, laba biyo bax iyo sided qarax ayaa ka dhacay “ ayey tiri Nadar.

Maayor, Nadar Tabaax ayaa sheegtay in hay’adaha samafalku ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaaduhu, waxayna deeq bixiyayaasha ka codsatay in ay gargaar deg deg ah oo bini’aaddannimo lasoo gaaraan dadka ku barakacay duleedka iyo ku xaniban gudaha.


Magaalada Baladweyne ayaa u kamid ah magaalooyinka u nugul fatahaadaha wabiga, iyadoo ay jirto in roobab baaxad leh ay ka da’ayaan gudaha dalka, waxaana xusid mudan in Wabiga sidoo kale uu ku fatahay magaalooyin dhaca gobollada Shabeellooyinka, oo hadda wajahay Fatahaad.

Wabiga Shabeelle oo biyaha kasoo roga buuraha sare ee dalka Itoobiya ayaa waxaa uu keenay biyo badan xilligaan Deyrta oo laga digay in Soomaaliya ay ka dhici karaan fatahaado daadad wato oo ay sababto duufaanta El-Nino, waxaana dalka intiisa badan ku dhuftay Fatahaado.