U bood dhigaalka

Baladweyne: Biyaha Fatahaadda oo Gudaha U Galay Isbitaalka Guud, isu socdkana Hakad Geliyay

Sheeko:Caafimaadka

Fatahaadda ku dhufatay magalaada Baladweyne ee caasimadda Hiiraan ee uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa meelaha uu aad u sameeyey waxaa ka mid ah Isbitaalka guud ee magaalada kaas oo oo ahaa isha kaliya oo caafimaadka ay ka helaan bulshada ku dhaqan magalada, xilli ay biyo badan gudaha u galeen taasi oo keentay in maamulka gobolka ay dalbadaan in gurmad degdeg ah lal soo gaaro reer Baladweyne.

Fatahaada Webiga ayaa sidoo kale sababtay in ay xirmaan suuqyadii ganacsiga sidoo kale na uu hakad galo isu socodka Magaaladda oo goobihii la marayey ay xireen Biyaha, waxaana xaalad halis ah ku jirta Buundada.

Fatahaadda ku dhufatay magaalada ayaa ah tii ugu adkeyd oo magaalada si guud u saamaeysa, xilli ay taagan tahay cabsida kororka fataahada, xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay ayaa qaar laga guuray halka kuwa kalena ay bulshadu ku gu’doonsan tahay kadib biyaha tirda badan.