In Ka Badan 10 Carruur Ah Oo Shuban Biyood Ugu Geeriyootay G.Shabeellaha Hoose
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2021/02/148060129_750237872554346_7499309003842935340_n.jpg)
Wararka naga soo gaarayo degmada marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ay Kaamam ku yaalo duleedka degmada ay Carruur ugu geeriyootay Xanuunka Shuban biyoodka .
Qoysaskan oo tira ahaan kor u dhaafaya 40 Qoys ayaa waxa ay ka soo barakaceen deegaano ka tirsan gobalka shabeellada Hoose , iyagoo soo gaaray kaamam ku yaalla duleedka degmada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeellada Hoose .
In ka badan 10 carruur ah ayaa la sheegay in kaamka ay ugu geeriyootay xanuunka shuban biyoodka oo ka dilaacay Kaam ku yaallo duleedka magaalada Marka .
Qaar ka mid ah barakacayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay maamulka degmada Marka iyo kan dowladd Federaalka ay ka dalbanayaan Gurmad deg deg ah .
Xanuunka shuban biyoodka ayaa inta badan ku soo noq noqda gobalada dalka , isagoo galaafta nolosha dad fara badan .