U bood dhigaalka

5 Qodob Oo Sabab U Noqday In Uu Bur-buro Shirka Afisyooni

Sheeko:Amniga

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qodoba dhowr ah oo ay keenen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay sababtay in uu fashilmo Shirka Afisyooni.

Shirkan oo goordhaw lagu kala tagay ayaa muqdisho tan iyo 3-dii bishan .

 

Qodobada Fashilka keenay ee dowladda ay sheegtay ayaa waxaa ka mid ah :-

1: In Baarlamaanku uu noqdo kusime  .

2: In Madaxweynaha  mudda xileedkiisu dhamaaday qoro warqad uu ku cadeynayo in uu kusime yahay

3: Xukuumaddu noqoto xil gaarsiin oo aysan qaadan Qaraaro mustaqbalka sameyn yeesha

4:  In Beesha Caalamka ay damaanad qaade ka noqoto heshiiska dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada

5: In shaqada laga fariisiyo Taliyayaasha Ciidammada ee qeeybta ka ahaa weerarkii 19 February Muqdisho ka dhacay , ee loo geystay madaxweeynayaashi hore .

 

Qodobadaan ayeeyna diiday dowladda, iyadoo ku tilmaamtay in haddii ay dhacdo taas la micno tahay Dowlad La’aan