U bood dhigaalka

Abiy : Cadowgu Wuu Burburay, Wuuna Kala Yaacay”

Sheeko:Caalamka

Milateriga Itoobiya ayaa todobaadkan dib ula wareegay gacan ku haynta dhul ay horay u sheegteen ciidmada kooxda TPLF, xilli weli furimaha dagaalka uu ku sugan yahay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Sheegashada guullaha dagaalka Itoobiya ee ciidamada Abiy ayaa kordheysay maalmihi la soo dhaafay xilli Jabhadda TPLF laga qabsaday askar fara badan oo kor u dhaafaya kumanaan.

TPLF ayaa intii lagu guda jiray bishii hore ee November waxa ay sheegtay in talaabooyin yar ay u jiraan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay burburiyeen gooba muhiim ahaa kooxda sidoo kalana ay kooxda kala yaacday “Cadowgu wuu burburay, wuuna kala yaacay” ayuu yiri Abiy.

Dhanka kale waxa soo if baxay markii u horraysay caddaymo muujinaya in Militariga Itoobiya gacanta ku dhigeen diyaaradaha Drones-ka ee Imaaraadka carabta.

Diyaaradahan oo ah nooca UCAV, ma qaadi karaan wax ka badan laba hoobiye, marka loo eego awoodooda dagaal.
Ma cadda in TPLF ay taakuleyn ciidan ay ka heshay dalka Imaaraadka carabta oo muddoyinkii la soo dhaafay ay Abiy is hayeen.