U bood dhigaalka

Qoysas Soo Qaxay Oo La Sii Qaxiyay

Sheeko:Dalka

In ka badan 10 Kaam oo ku yaalla waaxda sedexaad ee degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halka loo yaqaano dabaqa dheer ee DPG ayaa waxaa halkaas laga salkiciyey in ka badan 3000 oo qoys, kuwaas oo wajahaya xaalada nololeed oo aad u daran, dadka halkaan laga salciyey ayaa waxaa ku jira dad dhowaan isaga soo hayaamay deegaanno hoosta degmada Balcad.

Nolosha ka jirta goobta ayaa mid aad u liidata, waxaana dadku ay sheegayaan in markii halkaan ay yimaadeen in dib ay  u barakaceen , Qaarka mid ah dadkii ku sugnaa goobta iyagoo dul fadhiya cooshadihii laga dumiyey ayaa Goobjoog News la hadlay ayaa ka sheekeeyey xaaladda ka jirta goobta iyo halka markii hore ay ka yimaadeen, dadka laga barakiciyey goobtaan.

“Magcaygu waa Aamino Cabdulqaadir, waxaan kasoo barakay Mukoy dheere, dagaal ayaan uga soo orday, waxaan heysto malahan, qof walaal ah ayaa meeshaan i keensaday, isaga ayaa guri isiiyey inaan la quuto inaan la qado ayan diyaar u ahaa, maanta meeshii aan imaanay ayaa barakac kale nagala geliyey, waxkale aan haysanay majirto, laba asbuuc kaliya ayaan meeshaan joognay, guryaal, alaab waxa aan heysano malahan, ilmahayga adoogood meel aan kusheego maleh inuu dintay inuu noolyahay masheegi karo, aniga xaamilo ayaan ahay, xanuun  ihaayo meel la iisoo jirana maganaayo “ayey tiri Maryan.

Sidoo kale qof kamid ah dadka  ku sugaanaa goobta oo la hadlay Goobjoog News ayaa yiri “Annaga hadda waxaan heysano malahan guryaheenii waa la gubay, waa dharraamanahay, waxaan wax ku karsano iyo digsiyaal xitaa maleh, dad rafaadsan ayaa nahay, meeshii lagu soo guuray halaga guuro ayaa la dhahay, meel aan u guurayno manaqaano, hadda meel aan afka saarno ayaan la,ahay, hadda waxaa nala dhahay fujista ama Balsood ayaa la gelinaa, si deg deg ah ku baxa, dad masaakin ah ayaan iska nahay waxaan ku guurayno mahaysano, meel; aan afka saarno ma naqaaqo,wixii dadku nasiiyeena waa ay baaba’een ayey tiri mid kamid ah dadka   ku sugnaa goobta”.

Dhanka kale qofkale oo dadka kamid ayaa sheegay in goobtaan ay ku sugnaayeen muddo todobaad ah haddana ay la kulmeen barackale “Muddo aan todobaad ah ayaan joognaa halkaan, haddana barakac waaye Kaamkii, barakac ayaan ka nimid barakac ayaan lasoo kulanay, gabadha meesha joogta waa ay na soo dhoweysay raashin ayey nasiisay nolol waan ku haysanay, waxaa dhacday in dadkii la barakiyo, barakacii barakac ayaa noogu darsamay, waxaan faro ku hayno malahan,

Horgooha Kaamka dadkaan Qoysaska laga barakiyey ayaa waxaa ay ka warbixisay xaaladda hadda ay ku sugan yihii qoyska ay horjooha u tahay ee deegaankoodii laga kiciyey, waxaana ay ka sheekaysay sida ay aheyd xaaladdooda nololeed, dadkaan.

Dadkaan waxaa ay isugu daran yihiin dad markoodii hore meesha deganaa oo aan waligood waxba ku helin iyo dad dul yiimid oo laga soo gubay tuulo la yiraahdo Basro yarey oo agabkoodii iyo meelihii ay deganaayeen kasoo barakacay, labaad dad oo waxba isdheereen ayaa meesha is dul saarnaa, iyaga oo aan waxba heysay oo qaarkood magaalada u tuugsi tagaan qaarna ay dharka soo dhaqdaan,  iyadoo qoraxdaan iyo abaartu jirto ayaa lagu yiri dhulkii ka kaca” ayeytiri Horjoogaha.