Ra’iisulwasaare Rooble oo Ka Hadlay Dabka Ka Kacay Suuqa Hargaysa
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuiseen Rooble ayaa ka hadlay dab ka kacay suuqa wayn ee magaalada Hargaysa ee Somaliland, kaas oo gaystay khasaare baaxad leh, isagoo dalbaday in loo gurmado ganacsada ku hanti beeshay suuqa, waxaana uu Eebe uga baryey inuu bedel kheyl leh ugu badelo.
“Waxaan aad uga xumahay dabka caawa ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa, kaas oo geystay khasaare baaxad leh. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada xoolahoodii ku waayay iyo dadka kale ee waxyeelladu ka soo gaartay. Waxaan Eebbe u weydiinayaa baddel kheyr leh iyo sabir. Waxaan ku baaqayaa in loo gurmado walaalaheenna dabku aafeeyay, annaguna waxaan kaalin ka qaadan doonnaa gurmadkaas.” ayuu yiri.
Waxaan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ee uu dabku gaystay mid nafeed iyo mid maaliyadeed intaba maadama uu wali aad u socdo, waxaana ciidanku ay wadaan gurmad ballaaran, waxaana la ogeyn sasbta ka dambaysay dabka inuu ka kaco suuqa weyn, waxaana lagu guulaystay in la hakiyo qaybo badan oo dabka ah.
Goobjoog News