Maxkamadda Sare Oo Muddo Kordhin U Sameysay Jawaab Celinta Kiiska Fahad iyo FEIT
Maama Qaali Maxamuud Guhaad oo hadashay dacwad Fahad Yaasiin uu u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka uu ku dalbanaayay in la fasaxo kursigiisa golaha shacabka uu hakiyay guddiga FEIT ayaa horay u sheegtay in qalad ay tahay in maxkamddu ay qabato kiiska dacwadaas, waxaana ay xustay in maxkaddu wax ka qaban kiiskii Ikraan.
“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in cadaaladdii ay halkaas marayso, maanta in Fahad Yaasiin oo aan gabadhaydii ku tabaayo inuu maxkamadda tagay uu dacwad furay, wax adduunyo darteed kursi, anigana waxaa iga maqan qof nool, gabar dhan ayaa iga maqan oo nolol iyo geeri aan heyn oo gacantiisa ku dambaysay, maalin waliba waa la iska kay daba wareejinaa, wax cadaaladda oo iiga soo naaso cad uma jeedo” ayey tiri maama Qaali.
Dhinaca kale dacwadda Fahad ayaa ka dhigan mid gebi ahaanba baal marsan heshiiska doorashooyinka dalka, kaas oo dhigaya in dacwadda iyo cabashooyinka dhanka doorashada ah loo gudbinayo guddiga xalinta khilaafaadka.
Sikastaba Fahad ayaa dul hoganaya eedo ka dhan ah oo la xiriira xuquuqda bini’aadanimada iyo ku takri fal awoodeed intii uu joogay xukunka Farmaajo.