U bood dhigaalka

Fact Check: Isdul istaag aan Ku Sameynay Inta Been ee Ku Jirtay Khudbadii Musharaxnimo ee Farmaajo!

Sheeko:War

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo muddo sanad iyo bar ah oo sharci darro ah joogay Villa Somalia kadib markii uu dhameystay muddadii 4-ta sano aheyd ayaa waxaa uu habeennimadii Axadda ku dhawaaqay inuu mar kale u tartamyo jagada madaxweynnimada ee  dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Khudbad gaaban uu jeediyey waxaa uu ku sheegay hoggaamiyaha ay Soomaaliya u baahantahay isaga oo soo qaatay inuu u baahanyahay in fursad loo siiyo dhameystirka isbadalka socda, waxaa uuna baarlamaanka ka codsaday iney codkooda siiyaan.

Haddaba, Waxaan qormadan ku dul istaagi doonaa khudbadiisa, innaga oo xaqiijin doona hadalladiisa run iyo been waxa ay yihiin.

Farmaajo oo ka hadlaya hoggaanka ay Soomaaliya u baahanyahay waxaa uu khudbada ku yiri “Walaaleyaal dalkan waxaa uu maanta u baahanyahay hoggaan aamin ah, oo ilaaliya ammaanada ummada iyo hantidad qaranka, aaminsan kuna shaqeeya qarannimo, oo ka fog qabyaaladda iyo qof jecleysi, danta guud kahor mariya midda gaarka ah, oo heegan u ah hawlaha qaranka, aaminsan midnimada dhuleed ee dalka iyo wadajirka umadeed, ilaaliya madaxbbaanida dalkeena iyo qabka dalkeena, la jira shacabka, oo dareemaya duruufaha iyo danaha bulshada, daryeela ciidanka iyo daljirka heeganka ku ah jiidaha hore ee difaaca qaranka, ilaaliya xuquuqda goleyaasha dowladda, shaqaalaha iyo adeegeyaasha qaranka”.

Arrinta uu leeyahay dalka waxaa uu u baahanyahay hoggaamiye aamin ah, oo ilaaliya ammaanada, Afar sano oo uu Farmaajo maamulayey dalkan, waxaa laga hayaa xisaab-xirka hal sano oo ah 2017-kii, dadka Soomaaliyeedna ma ogaan-doonaan halka ay xukuumadiisa ku qarash gareysay in ka badan $1 billion oo ay ansixiyeen baarlamaanka federaalka ah sanidihii xigay.

Miisaaniyadda 2018 waxay aheyd $275 million halka baarlamaanka federaalka ah uu ansixiyey miisaaniayadda 2019 oo gaareysa $344 million iyada oo sanadkan 2020 xukuumadda loo anxiyey miisaaniyad dhan $459.5 million, intaba lama haayo xisaabxirkooda, sidoo kale xisaabcelin la’aanta kuma darin sanadkii sharci darrada uu Villada ku joogay iyo miisaaniyaddii 2021-ka oo aheyd $671.8 million.

Maamulka madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa inta uu talada hayey 3 jeer lacag siiyey shirkado Mareykan ah, ujeedada waa sidii uu ula kulmi lahaa madaxweynaha Mareykanka, tusaale ahaan

August 2018-kii, Farmaajo ayaa bishaas horaanteedii siisay hey’ad Mareykanka  ah oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group,  lacagta oo dhan $400,000 si uu ula kulmo Trumo, mana dhicin.

Waxaa intaas dheer boqolaal milyan oo doolar oo hanti-dhowrka qaranka sheegay oo ku baxay shatiyo la bixiyey, heshiisyo aan sharci aheyn iyo hummaag maaliyadeed.

Kolka uu khudbaddiisa xalay uu ku leeyahay “Hogaamiye..aaminsan, kuna shaqeeya qarannimo, oo ka fog qabyaaladda iyo qof jecleysi”, waxaa  isla Axaddii shalay uun uu golaha shacabka soo gabagbeeyey muran la xiriiray doorashada ka dhacday labo goobood oo ka tirsan Gedo, waa Ceelwaaq iyo Garbahaarey, muddo dheer ayaa loo xayirnaa in xal laga gaaro gobolka uu kasoo jeedo Farmaajo, isaga oo dhicisiyey dhammaan dadaalladii arrinkaas la xiriiray, darteedna uga kacay shirar badan, ilaa markii ugu dambeysay laga tashtay, lagana socday, oo la aqoonsaday Ceelwaaq iyo doorashada ay qabteen guddiga SEIT ee Jubbaland, raallina ka yahay madaxweyne Axmed Madoobe.

Arrinta khudbadiisa ee ah “Aaminsan midnimada dhuleed ee dalka iyo wadajirka umadeed”, waxaa iswediin mudan waxa uu ka qabtay arrinta Somaliland, iska daa wada hadal e, waxaa uu ra’isul wasaare bixiyey April sanadkan lacag uu Farmaajo ka xayiray maamulkaasi. Keliya ma aha Somaliland ee waxaa aad u xumaa xiriirka Farmaajo iyi maamullada Puntland iyo Jubbaland, taasi oo khatar gelisay midnimada iyo wadajirka ummadda, kuna tuseysa beenta ka buuxday khudbadiisa.

Mar uu leeyahay “ilaaliya madaxbbaanida dalkeena iyo qabka dalkeena”,  5-tii sano ee uu Farmaajo joogay, Soomaaliya waxaa keliya ee ay isla socdeen keligood taliyeyaal sida Itoobiya, Eritera iyo Qatar, isaga oo colaadiyey dalal badan oo gobolka ah sida Kenya, Djibouti, Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo dalal kale, waxayna taasi keentay  kala aragti duwanaanshiyo xafiiska furinta ah, oo waxaa la arkay ra’isul wasaare uu magacaabay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aannadiisa qar iska tuurka ah, qaarkoodna ka raalligeliyey.

Arrinka uu khudbada ku sheegay ee ah “daryeela ciidanka iyo daljirka heeganka ku ah jiidaha hore ee difaaca qaranka” ma aha xaqiiq jirta, isaga oo kala qeybiyey ciidanka, una adeegsaday danihiisa gaarka ah. Mareykanka oo ka mid ah kuwa taageero dhaqaale siiya ciidanka Soomaaliya ayaa ka sheegtay Farmaajo. Rodney Hunteroo ah isu duwaha arrimaha siyaasadda u qaabilsan dowladda Mareykanka golaha ammaanka ayaa sanadkii hore waxaa uu yiri “Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter.”

Marka uu leeyahay “ilaaliya xuquuqda goleyaasha dowladda, shaqaalaha iyo adeegeyaasha qaranka”, Inta uu joogay Farmaajo, Musuqa halkii ay Soomaaliya ka joogtay 176(2016) waxaa ay gaartay 180(2021) oo ah heer aan waxba laga qaban karin, dadka ka hooseeya xarriiqda faqriga halkii 2016-kii ahaayeen 62% hadda waa 70%, hal qof laguma darin shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda taasi oo niyadda ka dishay shaqo-abuurkii ay filayeen dhallinyarada Soomaaliyeed,  kana dhigtay da’ yarta shaqo la’aanta ah 67%,  mana jirin maalgelin shacabka loo sheegay taa beddelkeeda waxaa  hanti-dhowrka qaranka uu baabi’iyey heshiisyo sharci darro ah oo ay maamulka Farmaajo la galeen shirkado kalluumeysi, isaga oo soo bandhigay musuqii ugu badnaa.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye