U bood dhigaalka

Fahad iyo Mahad oo Dib Loo Dooranayo Kuraastoodii Golaha Shacabka

Sheeko:War

Xubnaha baarlamaanka labada aqal ee dalka ayaa dhammaan xaadir ku ah mataaladda kuraasta deeganada ay wakiilka ka yihiin, markal laga reebo laba kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka kuwaas oo doorashadooda dib loo qabanayo mardhaw.

Doorashada laba kursi oo kala HOP#086 iyo HOP#147, oo labaduba kuraas ka tirsan aqalka hoose baarlamaanka, deegaan doorashadooduna ay tahay maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la filaya in dib loo qabto.

HOP147: Waxaa baarlamaankii hore ee 100-aad ku fadhiyay xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, kaas oo markale baarlamaanka 11-aad loo soo doortay, in kursigaas uu ku matalo deegaanka uu ka soo jeedo, balse kursiga ayuu xildhibaanku lumiyay markii loo magacaabay Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA.

Dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya in xildhibaanku uu waynayo kursigiisa haddii uu aqbalo xil ka yar wasiirnimo, taas oo sababtay in markale dib loogu celiyo deegaanka kursiga uu lahaa, si ay u soo doortaan cidda ku matalaysa baarlamaanka.

HOP#086: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaan baarlamaanka 11-aad kursigaan doorashadiisa loogu doortay Fahad Yaasin oo horay u ahaa agaasimihii NISA, kaas oo doorashadiisa ay laaleen guddigii doorashada heer federaal FEIT, waxaana Fahad lagu eedeyay in kursigaas aanu u marin habraaci doorasho ee heshiiska lagu ahaa.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo ka hadlay xubnaha labada kursi ee ka banaan baarlamaanka ayaa sheegay in ay diyaarinayaan sidii loo soo dhameystiri lahaa kuraastaan.

“Dastuurkeenna waxa uu qabaa haddii Xildhibaannka uu qabto ama loo dhaariyo xil aan Wasiir ahayn in uu booskiisa banaanaayo, soo buuxinta kuraasta bannaan waa arrin Dastuuri ah, kursiga kale waa mid aan loo dhaarin oo uu duray Guddiga Doorashooyinka, waxaana la marinayaa xeerka uu ansixiyay Baarlamaankii 10aad oo ah in lagu wareejiyo Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka ee loo diyaariyay doorasho qof & cod ah, Doorasho sharcigeed dhammeystiran yahay ayaan u qaban doonnaa” ayuu yiri Aadan Madoobe oo la hadlay mid kamid ah warbaahinada gaarka loo leeyahay.

Goobjoog News