Cali Guudlaawe oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Hirshabeelle
Sheeko:Arrimaha Amniga
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay shirka guddi hoosaadyada golaha wasiiradda ee tiirarka siyaasadda loo dhanyahay, Amniga iyo Cadaaladda.
Kulankaan ayaa looga hadlay xaqiijinta nabad galyada Caasimadda oo wax badan laga qabtay iyo Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaannada hoostaga degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dardargalinta qaab dhismeedka Hay’addaha Garsoorka, dib u howlgalinta iyo geeddi socodka dhismaha golayaasha deegaanka.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhamaan Guddi hoosaadyada golaha wasiiradda iyo howlwadeennada Madaxtooyda ee tiirarka Siyaasadda loo dhan yahay iyo Amniga iyo Cadaaladda oo aad isugu howlay qabsoomida shirkaan iyo dabagalka fulinta qodobada lagu balamay.
Goobjoog News