Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Garowe
Sheeko:Dalka
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2022/08/His_Excellency_President_Hassan_Sheikh_Mohamud.jpg)
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta oo Khamiis ah u safro magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.
Wafdi horudhac u ah socdaalka madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse, ayaa shalay gaaray Garowe .
Waxaa garoonka magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ka socda diyar garowgii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Goobjoog News