Deni oo maanta furayo 51-aad ee golaha wakiilada Puntland
Sheeko:Dalka

Madaxeynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa maanta lagu wadaa in uu furo fadhiga 51-aad ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland.
Waxaa aad loo adkeeyay amaanka hoolka baarlamaanka iyo kan magaalada Garowe ee caasimadda dowlada gobaleedka Puntland.
Madaxweynaha ayaa khudbadda furitaanka u jieedin doono golaha waskiilada dowlad gobaleedka Puntland, isagoo lagu wado in uu ka hadlo arrimo dhowr ah.
Waxaa xarunta baarlamaanka ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee furitaanka kalfadhiga 51-aad ee golaha wakiilada Puntland.
Goobjoog News