U bood dhigaalka

Deg-Deg:- Dagaal ka socda Gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Baladweynee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in deegannada Baareey iyo Dhoqor oo hoostaga magaalada ay ka socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo ururka alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda iyo dadka shacabka oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen deegaanada hoosyimaada jiinka wabiga oo ay kamid yihiin deegaannada Baareey iyo Dhoqor.

Waxaana la soo warinayaa in ay jiraan khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka, mana cadda tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Ciidamada dowladda, maamulka gobalka Hiiraan ayaanan weli ka hadli dagaalka ka socda gobalka gaar ahaan deegaannada Baareey iyo Dhoqor.

Goobjoog News