Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Baydhabo
Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta kumeeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Xasan Sheekh ayaa kamid ah madaxda ka qayb gali doonta furitaanka shirka wadatashiga Koonfur galbeed oo la filayo in magaalada lagu qabto.
Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Baydhabo, xilli sidoo kale ay socoto qaban qaabadi u dambeeysay ee shirka.
Shirka Wadatashiga Koonfur Galbeed ayaa horay loo qorsheyay in uu furmo 5 bishaan January, balse dib uga dhacay xilligii furitaanka.
Goobjoog News