U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Kulamo Dooceedyo Itoobiya Kula Qaatay Madax Kale Duwan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo shir-madaxeedka midowga Afrika ayaa sidoo kale waxaa uu kulama dooceedyo la yeeshay madax kale duwan oo kasoo qeybgashay shirka, kuwaas oo ka kala socda wadama dhowr ah oo ku yaalla qaaradda Afrika.

Madaxweynaha oo kulan la qaatay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo martigelinaya shirka Abay Ahmed Ali ayaa looga hadlay kulankooda arrimo dhowr ah oo quseeya dahana labada dal iyo xiriirka iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii dowladda Itoobiya Soomaaliya kaga taageeri laheyd dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan kula qaatay itoobiya madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye iyo Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, waxaana uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xoojinta dagaalka lagula jiro Agigixisada caalamaiga ah iyo midda gobolka, isaga oo ka dalbaday in wadajir dagaalkeeda loogu  midoobo.

Waxaa Madaxweyneyaashu ku dul istaageen dhibaatada xooggan ee argagixisadu ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda iyagoo isla meel dhigay in la iska kaashado citirka kooxaha nabadda diidan si loo xaqiijiyo Afrika oo nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah, nabad iyo wadajir ay ugu noolaadaan dadkeeda oo hadda dhibaatooyin ajahaya.

Kulama dooceedyadii madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka uu la yeeshay madaxda qaaradda Afrika ayaa waxaa kamid kulan uu la qaatay dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame iyaga oo  iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ay wadaagaan labada dowladood.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo magaalada Addis Ababa kaga qeyb galayay shir-madaxeedka midowga Afrika ayaa khudbad uu ka jeediyay meertada 36-aad waxaa uu ku tilmaamay in loo baahan yahay in Afrika ay siwada jir ah u shaqeeyaan xilligaan oo la joogo iskaashiga adduunka ee halka qur ah.

Goobjoog News