U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Kulan ka Yeeshay Dhibaateynta Mooto Bajaajleyda

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka SSoomaaliya , Mudane Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta.
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si ay uga soo baaran dagaan sida ugu dhow ee loo soo dhameystiri karo Dastuurka qabyio qiraalka ah.
Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta, kulana ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan dhibka lagu hayo Bajaajleyaasha.
Todobaadkaan sii dhamaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr kiis, kaas oo waxyeelo kasoo gaartay wadayaal Mooto Bajaajle, oo dil iyo dhaawac ay u geysyeen askar ka tirsan ciidanka diowladda, xilli maamulka gobolka uu sheegay cadaaladda la horkeenayo dadkii ka dambeeyay falalkaas oo la xiray.
Goobjoog News