U bood dhigaalka

Ciidamo Ka Tirsan Milatariga Itoobiya oo Soo Gaaray Xadka Gobolka Bokool

Ciidamada Liyuu Boolis  ee ku sugnaa xadka gobolka Bokool uu la wadaago dalka Itoobiya ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay baneeyeen fariisino ay ku lahaayeen xadka in mudda ah, iyagoo halkaas dhowaan dagaal kula galay dagaalaayaal ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka in ay ka guuraan fiisimahooda xadka gobolka ayaa waxay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Milatariga Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka ay soo gaareen halkaas, halka Liyuu Booliska ay dib ugu laabteen gudaha Itoobiya sida lasoo sheegayo.

Wali majiro wax war ah oo ku aadan ka bixitaanka ciidanka dowlad deegaanka oo kasoo baxay maamulka iyo dowladda fedralka Itoobiya, walow ciidamo badan oo ka tirsan Milatariga Itoobiya ay qeyb ay gudaha u soo galeen Soomaaliya meelo kamid.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhowaan dowladaha Safka hore waxaa ay ka dalbatay in laga gacansiiyo dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, waxaana sidoo kale lagu wadaa in gudaha dalka ay soo gaaraan ciidamo ka tirsan Milataiga Kenya iyo Jabuuti.

Ciidamadaan ka tirsan dowladda Itoobiya ee soo gaaray gobolka Bokool ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli dhowaan madaxda dowladaha safka hore iyo madaxweyne Xasan Shiikh ay kulan ku yeesheen Muqdisho, kaas oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog News