U bood dhigaalka

28 Ruux oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Markab Ku Siijeeday Filibiin

Sheeko:Caalamka

Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhintay,230 kalena waa laga soo badbaadiyay kadib markii markabka rakaab  siday u ku gubtay dalka Filibiin,dabka ayaa ka bilowday qolalka qaboojiyaha ee markabka habeenimadii Arbacada ee la soo dhafay iyadoo aysan xaqiijin saraakiisha Amniga Xeebaha Filibiin waxyaabah sababay in dabkaan u ka kaco Markabka.

Dadka ku dhintay dabka ayaa waxa ka mid ah saddex carrur ah oo u ku jiray ilmo jiray Lix bilood  wallow aan la sheegin tirada sexda ah ee rakaabka la socday markabka,Ilaalada xeebaha Filibiin ayaa sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samatabbixinta ay wadaan.

Duqa magaalada Arsina Kahing-Nanoh ayaa warbaahinta u sheegay  in mid ka mid ah rakaabkii la badbaadiyay uu sheegay in qaraxa la maqlay ka hor inta uusan dabka kicin,waxay  intaas ku dartay in qaraxyo kale la maqlay markii markabka uu dhulka ku dhacay, taas oo dhlisay dab xooggan

Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ay gacan ka geysan doonaan baaritaanka iyo qiimeynta nabad galyada Markabka sidoo kalan ay hubindoonaan in u shidaal ku daadanayo gudaha Markabka dabku ka kacay, taas oo sheegeen in ay sii kordhin karto khasaaraha guud ee ka dhashay.

Goobjoog News