Dagaalka Sudan oo Galay Maalintii Afaraad, Yaa Isku Haya Awoodda Dalkaas?
Dagaal u dhaxeeya ciidamada Milatariga Sudan iyo xoogagga gurmadka degdeg ah ee Dacmu Sariic ayaa gilgilay dalkaasi, iyadoo lagu soo waramayo inay dagaalka ku dhinteen in ka badan 185 qof oo rayid ah ilaa iyo hadda inta la ogyahay, waxaana jira in sidoo kale la dhaawac uu soo gaaray in ka badan 1,800 oo qof, sida QM ay sheegtay.
Safiirka u fadhiya Midowga Yurub ee Sudan Aadan Ohara ayaa waxaa lasoo waramayaa in xoogagga Milatariga kasoo horjeeda ay weerareen hoyga uu ka degan yahay magaalada Khartuum ee caasimadda dalkaas, waxaana la sheegayaa inuu jiro dhaawac soo gaaray saafiirka, diblomaasiga oo u dhashay Ireland,sida dalkaas laga xigtay.
Qalalaasaha gaaray gacan ka hadalka dalka Sudan ayaa bilowday kadib markii hoggaamiyaha Milatariga lagu soo eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu qabto doorasho lagu soo dhiso dowlad shacab, taas oo xukubka dalka lagu wareejiyo, kaas oo xilligaan gacanta ugu jira ciidamada Milatariga ee hoggaaminayo Cabdil Fataax Al-Burhaan.
Cabdil Fataax Al-Burhaan wuxuu noqday madaxweynaha golihii ku meelgaarka ahaa ee militariga ay sameeyeen ka dib markii Al-Bashiir xilka laga tuuray sanadkii 2019, xilligaan oo xabsiga la dhigay, wuxuu shaqadaas kala wareegay wasiirkii difaaca Janaraal Cawad Ibn Cawf, kaas oo xilka ka degay ka dib hal-maalin oo uu hayay xilka.
Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya, Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021, dalka lagu xukumayay talis Milatari.
Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan. Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya laba sano gudohooda.
Beesha caalamka ayaa muddo wadday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah, haseyeeshee taas suurto gal ma noqonin, waxaa yimid gacan ka hadal labada janan taageerayaashooda dhexmaray, khasaaha dad rayidka ah soo gaaray ayaa sii koryadhaya mar weliba.
Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo shir degdeg ah isugu yimid ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan xaaladda ka soo cusboonaatay dalka Sudan, waxaana dhinacyada ishaya ay ugu baaqeen in laga baaqsado sii hurinta dagaalka taas oo burbur u horseedi karta burshada reer Sudan iyaga oo dalbaday in liiska wada hadalka la isugu yimaado.
Dagaalka Sudan ayaa qarxay kadib markii hoggaamiyeyaasha sare ee golaha KMG ah ay isku khilaafeen sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho shacab, taas oo keentay in ciidamo ay kala wataan hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan iyo hoggaamiye ku-xigeenka Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo ay wada dagaalamaan.
Goobjoog News