U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda iyo Daraawiishta Jubbaland oo Howlgal Wadajir ah Fuliyay

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta jubbaland ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay dhul masaafo ahaan gaaraya 120 KM oo ah inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo oo ka wada tirsan gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubbaland.

Howlgalkan oo uu hogaaminayey Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Jubaland Maxamed Axmed Sabriye ayaa waxaa qayb ka ahaa Ciidamada daraawishata Jubaland iyo Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska danab.

Mudadii uu socday howlgalkan waxaa lagu bur buriyay saldhigyo ay sheegeen in  ay lahaayen Al-shabaab ah, sidoo kale waxaa la qarxiyay dhowr miino oo oo la galiyay wadada dhinaceeda sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Deegaanada ay ciidamadu ku gaareen howlgalka ayaa waxa kamid ah Qalawlaha, Falaqaay, Reebaay, Fantooley, Harboole, Qumbi, Miidow, Shuufa, Habeedley, Cag libaax iyo deegaano kale, kuwaas oo saraakiisha howlgalka waday ay sheegeen in at fariisimo u ahaayeen  Al-shabaab,

Goobjoog News