U bood dhigaalka

Madaxweynihii Hore Kenya oo Beeniyay Inuu Ku Lug Leeyahay Dibadbaxyada Kenya

Wadanka Kenya waxaa wali ka socda dibadxyo rabshado wata, kuwaas oo geystay khasaare kale duwan, waxaa jira in la geystay dhac iyo boob, xilli saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar ku aadan in mudahaaraadyada socda ay ku lug leeyihiin madax hore oo ka tirsanaa Kenya.

Madaxweynihii hore ee wadanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in aysan jirin lug uu ku leeyahay xaaladaha murugsan ee ka taagan wadanka Kenya, kuwaas oo ka dhashay Dibadbaxyada ay dhigayaan mucaaradka ee uu hogaamiyo hogaamiyaha Azimio Mr Raila Odinga.

Dowladda Kenya ayaa xirtay iskuullada ku yaalla caasimadda iyo labo goob oo kale iyadoo dhaqaalaha Bariga Afrika uu Arbacadii socday saddex maalmood oo mudaaharaad ah oo looga soo horjeedo qiimaha maciishada iyo canshuur kordhinta ay samaeysay dowladda cusub.

Mucaaradka Kenya ayaa ku baaqayay dibadbaxyada qeyb ka mid ah ay kaga cabanayaan canshuur kordhin ay sameysay bishii hore dowladda madaxweyne William Ruto, oo la doortay bishii Agoosto ee la soo dhaafay isagoo ballan qaaday inuu u ololeyn doono danaha dadka saboolka ah, laakiin uu baal maray.

Dawladdu waxay sheegtay in kordhinta cashuuraha shidaalka iyo guryaha la filayo inay soo ururiyaan 200 oo bilyan oo shilin ($1.4bn) oo dheeraad ah sannadkii, ayaa loo baahan yahay si ay gacan uga geystaan ​​bixinta deynta sii kordheysa iyo in la maalgeliyo dadaallada shaqo-abuurista.

Ruto oo sheegay in uusan ogolaan doonin in mudaaharaadyada ay dhacaan, waxa uu dhaxlay deyn aad u badan oo dowladda lagu leeyahay. Markii Madaxweynihii isaga ka horreeyay Uhuru Kenyatta uu xilka la wareegay sanadkii 2013-kii, waxa ay ahayd 1.79 trillion oo shilin ($13bn). Markii uu Kenyatta xafiiska ka tagayay, waxa ay kor u dhaaftay 8.7 trillion oo shilin ($61bn).

Mudaharaadyada ka dhacaya Kenya ayaa saameyn xooggan ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka Nairobi iyo sidoo kale laba gobol oo dalkaasi ah, waxaa sidoo kale la xiray goobaha waxbarashada, dibadbaxyada ayaa dhac iyo boob ka geystay goobaha qaar ee ku yaalla Nairobi.

Goobjoog News