U bood dhigaalka

Ciidanka Danab oo Howlgal Ka Fuliyey Deegaanno Ka Tirsan Jubbada Hoose

Taliska ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa ka warbixiyay howlgal ay ciidanku ka fuliyeen deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay sheegeen in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkaa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku hareereysan, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno Al-Shabaab ah, oo damacsanaa in ay weerar kusoo qaadaan saldhigyada ciidanka Danab.

Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay  in howlgalkaas  lagu dilay 7 xubnood oo Al-shabaab, sidoo kalena  ay jiraan tiro dhaawacyo ah sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay in xubnaha la dilay ay  ka furteen saanad ciidan oo ay wateen, waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka socda deegaannada maamulka Jubbaland iyaga oo kaashanaya Daraawiishta dowlad goboleedka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal kale ka fuliyay Tuulada Kuuba-Kabir oo u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ciidanku ay ku gaareen howlgalkooda, sida uu hadalka u dhigay sarkaalka u hadlay ciidanka Kumaandooska.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ay ku doonayso in  Jubbaland dhowaan looga fuliyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo dowladdu sheegtay in dhowaan la qaadayo, Xilli Al-shabaab ay gacanta ku hayaan caasimadda Jubbaland.