U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Dhuusamareeb Ka Wada Abaabul iyo Kulamo Kale Duwan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka badan toddobaad  jooga Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa weli wada abaabulka hawlgallada dalka dib looga xoreynayo Al-Shabaab, kuwaas oo ka bilowday gobollada Galguduud iyo Mudug.

Madaxweynaha oo arrintaas ka duulaya muhiimadda ay leedahay ayaa wali wada kulamada wadatashiga ah uu la yelanayo bulshada qeybaheeda kale duwan, isaga oo kala hadlaya sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka ay kaga sugan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan gaar ah la qaatay dhaqanka iyo waxgaradka ayaa wuxuu si gaar ah kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay la isku yiraahdo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay in ay ka hortagaan qorshekasta oo  kala qeybinayso bulshada ku nool Galmudug, waxaana kulamadaan ay kusoo aadayaan xilli dowladdu ay wado qorshe ay kula wareegeyso deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud.